Bartamaha(Balad-Weyne):-Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Kooxda Xizbul Islaam ayaa daqiiqado ka hor ka qarxay duleedka Magaalada Balad-Weyne iyadoo Madaafiicda Hoobiyaha ay Magaalada ku socoto.
Wararka xiligan soo gaaraya Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Maleshiyada Xizbul Islaam uu ka bilowday duleedka Magaalada Balad-Weyne.
Dagaalka ayaa waxa uu yahay mid iska hor’imaad ah oo labada dhinac ay Jilbaha isku aasteen iyadoo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu garaacayo gudaha Magaalada iyo Buurta Janta Kundisho.
Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay ku suganyihiin Buurta Janta-Kun-Dishe dusheeda halkaasi oo duqeyn ay u geysteen Kooxda Xizbul Islaam ka dinba Madaafiic Jawaab ah ay ku dhacday gudaha Balad-Weyne.
Madaafiicdaasi ka dib ayaa waxaa bilowday sida dadka deegaanka ay sheegayaan dagaal labada dhinac ay isku adeegsanyaan rasaasta kala duwan iyo Madaafiicda goobta taasi oo guud ahaan Magaalada Lamaga maqlayo.
Wixii Dagaalkaasi ku soo kordha daqiiqad walba kala soco www.Bartamaha.Com Insha Allaah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.