Bartamaha (Cadaado):- Dagaala xoog badan oo sacaada ka hor ka bilowday Degmada Cadaado ayaa sabab ka dhigay in lala wareego guud ahaan Degmadaasi Cadaado.
Maleeshiyaad ay kala wataan Cabdi Shukri Cali Xirsi iyo Kooxda Ahlu sunnah ayaa weerar jiha walba uga qaaday Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo ay awood kula wareegeen.
Maamulka Ahlusunna Wal jamaaca ee gobollada dhexe oo kaashanaya koox uu abaabulay Cabdi Shukri Cali Xirsi oo ah qabqable ka mid ahaa Isbahaysigii argagixiso la dirirka ayaa waxa ay maamulkii Ximin iyo Xeeb ka eryadeen Cadaado.
“Degmada Cadaado, waxaa qabsaday ciidammo taabacsan Ahlusunna Waljamaaca o ay hoggaaminayaan saraakiil uu ka mid yahay Cabdi Shukri Cali Xirsi,” sidaa waxaa HOL u sheegay suxufiyiin ku sugan degmada Cadaado.
Ciidanka qabsaday Cadaadi ayaa waxa ay la kulmeen muddo yar oo dagaal ah waxaana ayna markii danbe kala wareegeen gacan ku haynta Ciidankii Ximin iyo Xeeb oo kala firxaday.
Xalay ayay ahayd markii maleeshiyaad ay qabsadeen sarkaal u dhashay dalka Britain iyo nin Soomaali ah oo u shaqeynayay hay’adda Save the Children UK kuwaasi oo aan meel lagu ogayn.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka dhacay iyo qabsashada Cadaado oo Xiomin iyo Xeeb laga eryaday wixii ku soo kordha wararkaasi kala soco www.Bartamaha.Com.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.