Wafdigii dowladda ka socday ee yimid Beledweyne waxay u yimaadeen wada hadal

Posted on Jun 24 2009 - 1:35pm by News Desk
Tweet
Pin It

Xubnihii wafdiga ee kasocday Dowlada KMG ah ee shalay soogaaray Magaalada B/weyne ayaa sheegay in ay u yimaadeen sidii wada hadal ay ula gali lahaayeen kooxaha mucaaradka ah sida Al Shabaab iyo Xisbul islaam ee jooga galbeedka Degmada B/weyne.
 
Maxamad Dhaqane Cilmi oo katirsan xildhibaanada shalay soogaaray Magaalada B/weyne ee hogaaminayay wafdiga Dowlada oo saaka lahadlayay Xaxaafada Gobolka ayaa sheegay in ay bilaabatay wada xaajoodyo u dhexeeyo iyaga iyo Xissbul Islaam iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ee ku sugan G/hiiraan.
 
Xildhibaanka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in xalay ay xiriiro dhexmaray iyaga iyo kolooyinka mucaaradka ah ay meel wanaagsan u marayso sida uu carabka ku dhuftay.
Xildhibaan Dhaqane ayaa wax lagu faro ku tilmaamay hadii ay Alshabaab ka aqbalaam wada hadalada hada u socda ujeedadiisa taasi oo ku tilmaamay in ay tahay in ay qeyb ka noqdaan Dowlada islmarkaasina loo midoobi lahaa sidii dadkan iyo dadkan dhibaatada looga saari lahaa.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada B/weyne ayaa waxaa ay ka dhur sugayaan kulamadan usocda wafdiga iyo kooxaha mucaaradka ah halka uu ku dambeyn doono’in kastoo wax layska waydiin karo sida ay isku aqbali karaan maadaamaa Xarakatul shabaabul mujaahiin ay u ray u sheegeen in ay ka go,an tahay in ay ridaan Dowlada KMG oo madaxda ka yahay Shiikh Shariif.

Ibrahim Muxumed

Bartamaha wrarka Soomaaliyeed www.Bartamaha.com