Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah Ge.Qeybdiid iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray Magaalada Gaal-Kacyo iyadoo Caawa la filayo in uu Garoowe gaaro.
Gen.Cabdio Xasan Cawaale Qeybdiid Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa galabta gaaray Magaalada Gaal-Kacyo.
Wafdiga Taliyaha uu hogaaminayay ayaa waxa ka mid ahaa Wasiir Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha C/rashiid Maxamed Xidig iyo Xildhibaan Cabdi Axmed kuwaasi oo qorshayaal Badan u tagay Puntland iyo Gal-Mudug.
Soo dhaqeynta Wafdiga Masuulkaasi ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqday Madaxda Gobolka iyop Taliska Booliiska ee Magaalada Gaal-Kacyo kuwaasi oo garoonka Ciidamo salaam saara klu diyaariyay una soo galbiyay dhanka Magaalada.
 Wafdiga Taliyaha uu hogaaminayo ayaa waxa ay si KMG ah u dageen Hotelka Taar ee Duleedka Woqooyi ee Magaalada Gaal-Kacyo iyadoo la filayo in uu isla Caawa uu u gudbo garoowe.
Xerada Carmo ee tababarka Ciidamada Dowlada ayaa waxaa la filayaa in uu ku soo xero tababar Ciidanka Booliiska Dowlada KMG ah uag socanayay Xeradaasi duleedka Boosaaso.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â