Bartamah(Muqdisho):-Qaar ka mida Wadayaasha Gaadiidka BL-ka ee isaga kala goosha wadada dheer ee isku xerta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa ay muujiyeen cabasho xoogan oo ay ka muujinayaan dhibaata ay ku qabaan Isgoyska Ex-Control Afgooye halkaasi oo lacaga baad ah laga qaado.
Darawalada gaadiidka ayaa waxa ay ka cabanayaan lacaga aad u badan oo Ciidamada Dowlada ay ka qaataan gaadiidka BL-ka ee isticmaala wadadaasi.
“Handadaad ayay noo gaystaan mararka qaar oo lacagaha ay kordhiyaan balse taasi waxaa sii dheer iyagoo aan hubsan lacagta aad dhiibtay oo ah in ka badan 25,000-Sh.So ah oo ka agdhow 1$ xilli waliba oo aan halkaasi cagta soo dhigno waxa ay sameeyaan rasaas ayay nagu ridaan waana ay dilaan kirishbooyada nala socdo oo nafta ayay dhaafiyaanâ€ayuu yiri Maxmed axmed oo ka mida Darawalkada Gadiidka BL-Ka ah.
Lacagahan baada ah oo Ciidamada Dowlada ay qaataan ayaa la xaqiijiyay in ay gacan saar la leeyihiin madax sar-sare oo dowlada Soomaaliya ka mida kuwaasi oo lacagaha laga helo loo gudbiyo xafiisyadooda.
Inta badan madaxda dowlada Soomaaliya si weyn ayay ugu faanaan in magaalada ay tahay mid nabad ah isla mar’ahaanataana la joojiyay lacagaha sharci-darada ah balse waxaa welli Muqdisho yaala isbaaradii ugu weyneyd uguna lacag badnayd Ee Caasimada la dhigtay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.