Dar Es Salaam.(www.Bartamaha.com):- Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriika Caalamiga dalka South Africa Maite Nkoana-Mashabane oo magaaladda Pretoria ku qaabishay wafdi uu hogaaminaayay wasiirka arrimaha dibadda Tanzania Bernard Memb, ayaa waxa ay sheegtay in aysan aqoon san doonin maamulka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania ayaa waxa uu sheegay in la kulmi doono todobaadyadda soo socdo wafuud ka socda Somaliland laakin waa uu diiday in uu ka warbixiyo waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.
Labada wasiir waxa ay sheegeen in ay doorbidi lahayd in ay arkaan Soomaaliya ooh al wadan ah.
Nkoana-Mashabane ayaa tiri: “Somaliland waxa ay hadda noogu jirtaa qaybo ka mid ah Soomaaliyaa. Ma rabno in ay dhiiri galino in la kala qaybiyo wadanka,marka Midowga Yurub ma rabo in laka gooyo wadankaas.”
Bishii May Somaliland ayaa waxa ay u dabaal dagtay 20-sano guuradii markii ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania ayaa waxa kaloo uu ka hadlay korarka kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida.
Waxa uu yiri: Membe sanadkii horre waxa ay burcad-badeeda Soomaalida ay qaadeen 27-weerar kaa oo ka dhacay meel ku dhow magaaladda ganacsiga dalka Tanzania Dar Es Salaam.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com