Wadada Warshadaha oo guud ahaan la xeray ka dib amar ka soo baxay Kooxda Alshabaab.

Posted on Dec 13 2009 - 9:33am by News Desk
Tweet
Pin It

fgfhBartamaha(Muqdisho):-Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan la xeray ka dib amar shalay galinkii danbe ay gawaarida siiyeen Ciidamada Alshabaab .

Gaadiidka Dadweynaha ee mari jiray wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay ka weecdaan wadadaasi ka dib markii Ciidamada Alshabaab ay shalay galinkii danbe ay gawaarida fareen in wadadaasi aan la soo marin.

Wadada Warshadaha ayaa ah mid guud ahaan xeran iyadoo mararka qaar halkaasi laga maqlayo rasaas teel teel ah oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan taasi oo aan la ogayn sababta keentay.

Gawaarida ka shaqeyn jirtay Isgoyska Baar Ubax Muqdisho illaa Ceelasha Biyaha ayaa waxa ay u weecdeen dhanka Howl-wadaag illaa Km.4 halkaasi oo ay ka aadayaan dhanka Ex-Control ka dibna ay Ceelasha u soo boqoolayaan.

Wadada Kaliya Ee haatanb Muqdisho u furan ayaa ah Wadada Dabka oo ay isugu soo urureen dhammaan gadiidka Magalada Muqdisho taasi oo maanta laga dheehanayay dhibaato xoogan maadaama ciriiri xoogan uu ka taaganyahay.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.