Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Magaalada Kismayo Oo Dad Iyo Gaadiid Farabadan Ay Ku Xayiranyihiin

Posted on Nov 10 2009 - 5:50pm by News Desk
Tweet
Pin It

kismaayo-mapBartamaha(Kismayo):- Wadada udhaxaysa Magaalada Muqdisho ee Caasiimada Soomaaliya iyo Magaalada Kismayo ayaa waxaa ku xayiran Gaadiid Farabadan oo sida Rakaab Dad iyo shixnado Ganacsi oo kala duwan kuwaasi oo dhibaatooyin ay ka haystaan sidii ay ku gaarilahaayeen Meelihii ay u socdeen oo kala ahaa Magaalooyinka Kismayo iyo Muqdisho,

Roobab lixaad leh  ayaa ka  da’ayay  Wadadaasi mudooyinkii aynu soo dhaafnay  waxaana ay sababeen  in jidkaasi dheer ee isku xira muqdisho iyo Kismaayo uu go’o   waxaana ay  ahayd wadadaasi  mid had iyo jeer go’da markii ay sidaan oo kale u da’aan roobab xoogan waayo wadada ayaa ah mid aad u burbursan islamarkaasina aanan helin wax dayactir ah. waxaadna    indhahaaga ku arkaysaa marka aad ku safarto  wadada u dhexeysa kismaayo iyo Muqdisho waxaad ku arkeysaa Burbur aad u xoogan oo ku yimid jidka dheer ee isku xira labada magaalo.

Roobabka kada’aayo  inta u Dhaxaysa  Muqdisho  iyo  kismaayo ayaa u muuqda  kuwa sii Xoogaysanaayo  marba marka  kadambayso  islamarkaasina sii xumaynaya  isu socodka dadka , gaadiidka  iyo  Ganacsiga  ee u dhaxeeyay  labadaasi Magaalo ee waa weyn  ee  Muqdisho iyo  Kismaayo,

Ma’ahan Markii ugu  horaysey  ee ay  Go’do  Wadadaasi Xagaagii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay da’een roobab xoogan kuwaasi oo sababay in ay wadadaasi go’do islamarkaasina sababay in ay joogsadaan dhaq Dhaqaaqyadii Ganacsiga ee u dhexeeya Gobolada Banaadir iyo Jubada Hoose.

Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com