Wadada Dheer ee Isku Xirta Magaalooyinka Muqdisho Iyo Kismayo Oo ay ku xayiranyihiin Dad Iyo Gaadiid Farabadan Kadib Roobab Xoogan oo ka da’ay.

Posted on Aug 2 2009 - 6:12pm by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha(Kismayo):- Wadada Dheer ee isku xirta Magaalooyinka Muqdisho ee Caasiimada Soomaaliya iyo Magaalada Kismayo ayaa waxaa ku xayiran Gaadiid Farabadan oo sida Shixnado ganacsi iyo gaadiid kale oo sida Dad Rakaab ah oo isaga kala gooshayay Labada Magaalo.

 

Roobab lixaad leh  ayaa ka  da’ayay  Wadadaasi dhawaanahan waxaana ay sababeen  in jidkaasi uu go’o   waxaana ay  ahayd wadadaasi  Mid burbursan tan iyo xilligii ay burburtay Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya, mana jirin cid Dayactir ku sameysay Wadadani oo halbowle u ah isu socodka Gaadiidka isaga kala goosho Magaalooyin Badan oo ka tirsan Koonfurta Wadanka Soomaaliya.

 

 

Waxaana ay u Muuqdaan  Roobabka kada’aayo  inta u Dhaxaysa  Muqdisho  iyo  kismaayo  kuwa sii Xoogaysanaya  marba marka  kadambayso  islamarkaana sii xumeynaya  isu socodka dadka iyo gaadiidka Ganacsiga  ee u dhaxeeyay  labadaasi Magaalo ee waa weyn  ee  Muqdisho iyo  Kismaayo,

 

Sikastaba ha ahaatee ma ahan Markii ugu horeysay ee ay wadadaasi gooyaan Roobabka Xagaaga ah horaantii bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay Roobabkaasi Xoogan ay gooyeen Kuwaasi oo ka Da’ay inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Muqdisho taasoo sababtay in ay istaagaan isu socodka Gaadiidka ukala goosha Jiray Labada Magaalo.

 

 

Ismaaciil Cali Cabdi

www.Bartamaha.com

Kismaayo-Somalia