Ururka Xizbul Islaam oo sheegtay in Maxaabiis Ajaanib dagaalamaysay ay ku jiraan ku soo qabteen dagaalada Galbeedka Kismaayo.

Posted on Oct 6 2009 - 10:56am by News Desk
Tweet
Pin It

dagBartamaha (Janay-Cabdala) Xizbul Islaam ayaa guula balaaran ka shgeegataya Dagaaladii ka socday Galbeedka Kismaayo iyadoo sheegtay in ay hayaan Ajaanib dagaalada lagu soo qabtay.

Afhayeenka Golaha Shuurada Xizbul Islaam Sheekh Ismaciil Xaaji Cadow ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada Galbeedka Kismaayo ay ku jabiyeen Alshabaab.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in ay hayaan Kooxo dagaalka lagu soo qalday kuwaasi oo uu sheegay in ay Alshabaab soo qaldeen qaar Ajaanib dagaalamaysana ay hayaan.

Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in ay hayaan Nin Kenya u dhashay dagaalna kula jiray Alshabaab islamarkaana dagaalka ay ku dileen Sargaal Ajnabi Cadaan ah iyo Wiilal Soomaali badan ay hayaan qaarna ay ku aaseen Janaay Cabdala duleedkeeda.

“Waxaan haynaa wiil Kenyan ah iyo dhalinyaro badan oo Soomaali la soo qalday ah dhiigeena ayay Xalaashadeen Walaalaheen Alshabaab hadana wiilashii lagu dilay dagaalka ayaa aaskooda haynaa waxaana ku jirin rag Caddaan ah oo la soo qalday dilkeenana loo baneeyay..”ayuu yiri Afhayeenka Shuurada Xizbul Islaam.

Illaa haatan ka jirto wax war madax banana oo cadeyn kara qasaaraha ay sheegeen Xizbul Islaam in ay gaarsiiyeen Alshabaab oo la sheegay in illaa haatan la isku horfadhiyo Kismaayo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.