Bartamaha(Lafoole):-Xizbul Islaam ayaa maanta markii ugu horeysay si rasmi ah uga dhawaaqday Deegaanada lagu Barakacay iyadoo degmo ka dhigtay Lafoole oo maanta maamul loo dhisay.
Masuuliyiinta ugu sareysa Xizbul Islaam ayaa maanta ka qeybgashay munaasabad maamul loogu dhiusayay deegaanka Lafoole halkaasi oo maanta Degmo ay Xizbul Islaam u aqoonsatay.
C/wali Cabdi Maxamed ayaa laga dhigay Gudoomiyaha Deegaanka Lafoole,Gudoomiye ku xigeen C/raxmaan Axmed Cabdi,Madaxa Arimaha Dacwada Maxamed Cumar Maxamed,Madaxa Dhanka Maaliyada Axmed Cabdi Binix,Madaga Garsoonka Sheekh Xasan Ibraahim Maxamuud. Taliyaha Amniga Degmada Lafoole Sheekh Ibraahim Maxamed Aadan.
Sheekh Xasan Daahir Aweys hogaamiyaha guud Ee Xizbul islaam oo maanta muanaasabadaasi ka hadlaya ayaa shacabka ugu baaqay in maamulkaasi ay la shaqeeyaan islamarkaana dantooda aqoonsadaan.
Deegaano ka mida goobaha lagu barakacaya ayaa waxaa horey uga jiray maamulo iskood isku magacaabay balse Xizbul Islaam iyo Alshabaab kala sheegta kuwaasi oo aan la ogayn halka ay mari doonaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.