Bartamaha(Balad-Weyne):-Saraakiisha Ururka Xizbul Islaam oo maanta kulan Balad-Weyne ku yeeshay ayaa waxa ay magacabeen gudoomiyha Xizbul Islaam Hiiraan.
Kulan Maanta oo idil ka socanayay Magaalada B/Weyne ayaa waxaa laga soo saaray oo lagu dhawaaqay gudoomiyaha Cusub Xizbul Islaam Magaalada Balad-Weyne Ee Gobolkaasi Hiiraan.
Sheekh Shuuriye Faarax Sabriye ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha Xizbul Islaam Hiiraan kaasi oo si weyn uga dhexmuuqday mudooyinka Saraakiisha Xizbul Islaam ee Dagaalada ka qaday Gobolka Hiiraan.
Dhawaan ayaa lagu balansanyahay in la dhiso qeybaha kale Ee Maamulka Xizbul Islaam Hiiraan iyadoo la filayo in lagu dhawaaqo Taliyaha Ciidamada Xizbul Islaam iyo Saraakiisha dhanka ammaanka.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.