Ururka Xizbul Islaam oo ku hanjabay in dagaalada ay sii wadayaan tan iyo inta Ciidamada Amisom ay hubka uga furanayaan

Posted on Jul 13 2009 - 5:08am by News Desk
Tweet
Pin It

caraleBartamaha(Muqdisho):-Muuse Cabdi Caraale oo ka mida Sarakiisha hogaanka u ah  Ciidamada Xizbul Islaam oo saaka saxaafada kula hadlayay Muqdisho ayaa hanjabaad u jeediyay Ciidamada Amisom isagoo sheegay in dagaalada haatan ay u wareegeen Amisom iyo Islaamiyiinta .

Muuse Caraale ayaa sheegay in dagaalada ay u wareegeen dhanka Ciidamada Amisom maadaama shalay ay dagaalada ku soo biireen islamar’ahaanataana ay madaafiic shalay bulshada ku garaaceen.

Sargaalkaasi Afhayeenka u ahaa Kooxda Xizbul Islaam ayaa sheegay in haatan ay ku suganyihiin Ciidamadooda Degamadooyinka Kaaraan iyo SHibis Ee Muqdisho halkaasi oo uu sheegay in ay iyaga shalay isaga baxeen balse xalay ay ku soo laabteen.

Muuse Caraale ayaa sidoo kale tilmaamay in ay si weyn uga xunyihiin Xasuuqii shalay Ciidamada Amisom ka geysteen xaafado ka mida Muqdisho ka dibna markii ay Ciidamadooda ka loodin waayeen qaar ka mida xaafadaha oo ay ku insixaabee sida uu sheegay Sargaalkaasi u hadlay Xizbul Islaam.

Muuse Cabdi Caraale oo ka mida xubnaha ka dhexmuuqda Kooxda Xizbul Islaam ayaa ku goodiyay in ay dagaalada sii wadayaan inta ay ciidamada Amisom hubkooda uu gacanta Islaamiyiinta soo galayo sida afhayeenkaasi u hadlay Xizbul Islaam sheegay.

Hadalkan ka so yeeray Xizbul Islaam ayaa imaanaya ka dib markii ay dib u qabsadeen fariisino shalay galinkii hore dharbaaxshada Ciidamada Amiosm looga saaray balse shalay galinkii danbe ay dib u soo gaca dhigteen ka dib dagaal ba’an oo ay la galeen ciidamada dowlada.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.