Ururka Xizbul Islaam oo dib u bilaabay olole burburin gobo ganacsi gudaha Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

Posted on Aug 31 2009 - 3:13pm by News Desk
Tweet
Pin It

Burburin1Bartamaha (Afgooye) Ururka Xizbul islaam Degmada Afgooye ayaa maanta Deegaankaasi ka sameeyay howlo burburin gobo ganacsi bartamaha iyo hareeraha Wadooyinka Afgooye.

Ciidamada Ammaanka Maamulka Ururka Xizbul Islaam Degmada Afgooye ayaa maanta ku dhaqaaqay howlo ay ku burburinayaan goobaha ganacsiga eek u yaala hareeraha Wadooyinka Degmadaasi.

Gooboaha ay Ciidamada Burburfiyeen ayaa waxaa ka mida wadooyinka suuqa Degmada Afgooye oo ay sheegeen in ay balaarinayaan taasi oo keentay in dukaamo iyo goobaha Hilibka lagu iibiyo laga raro halkaasi.

Isku soo duube bilihii la soo dhaafay ayay maamulka Afdgooye wadeen olole ay ku burburinayaan goobaha ganacsiga Magaaladaasi Afgooye taasi oo khilaf ka dhec abuurtay maamulka iyo odayaasha Deegaanka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.