Bartamaha (Muqdisho):- Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa shaaca ka waaday in xiligan aanay jirin wax wada hadal ah oo ay la yeelanayaan dowlada Soomalaiya.
Xog-hayaha Gaashaandhiga Xizbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa si kulul u beeniyay in ay wada hadal la yeelanayaan dowlada Fd Soomalaiya oo uu sheegay in ay shacabka dilkooda qandaraas lagu soo siiyay.
Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay in ay Saxaafada Gudaha Dalka soomaaliya ay faafiyeen in xizbul islaam ay wada hadal u aadayaan magaalada Qaahira si ay ula soo kulmaan dowlada Somalia taasi oo uu ku sheegay mid feker qofeed lagu baahinayo.
Sheekh Caraale  ayaa daboolka ka qaaday in ay jiraan Ciidamo dowlada ka tirsan oo ku soo biiraya xizbigooda kuwaasi oo uu ku sheegay in ay u dulqaadan waayeen dhibaatada shacabka lagu hayo.
Hadalka Muuse Caraale ayaa yimid xilli la hadalhaayay in Dalka Masar ay kulan ku yeelanayaan Madaxda Xizbul Islaam iyo Masuuliyiinta dowlada si loo faaqido dhibaatada dalka ka jirta loona xaliyo khilaafka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Waa cajaaib war xilligaan u soo jeeda heshiis lala gala Alshbaab iyo xisbul islam,arinta maanta waxeey joogtaa yaa ka saara wadanka daalimiintaan,Caraale qayaali baad ku nooshahay heshiis waqtigiisa lama joogo yeey baroor diiq ku daalin waayo waqtigiina dhamaad ayuu joogaa,jannadaad ilma ku duleeyseen adiguse jahannamaa ku sugeeysa.