Bartamaha (Afgooye) Maamulka Xizbul Islaam Degmada Afgooye ayaa maanta dib u bilaabay howlo ay ku bur-burinayaan goobaha ganacsiga degmada Afgooye Ee Gobollka Sh.Hoose.
Saaka ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Xizbul Islaam Afgooye oo wata gaadiidka dagaalka ay dib u biloobeen howlo lagu bur-burinayo goobaha ganacsiga Degmadaasi xilli shalay ay gobo fara badan o ku yaala Degmada ay burburiyeen.
Goobaha Saaka ay ciidamada dadkii lahaa ku amreen in ay ka guuraan ayaa waxaa ka mida Warshadii Labanka iyo qeybta raashinka suuqa Degmada Afgooye halkaasi oo ay ka socoto howlo bur-burin ah.
Ganacsatada Degmada ayaa la arkayay iyagoo dhammaantood eeganaya goobaha ay Ciidamada Bur-brinta ku wadaan iyagoo ka warsugaya in dhankooda seefta soo gaari doonto maadaama howshan ay noqotay mid shaqo ay ka dhgteen Ciidamada Degmadaasi.
Ma jiro goob si rasmi ah dadkaasi loogu qorsheeyay oo ay dagayaan taasi oo ah mid aad dhibaato ugu noqotay qoysaskii nolosha looga raadin jiray goobaha ku yaala wadada hareeraheeda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.