Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in aanay waxba ka jirin Ciidamo shalay ay soo bandhigtay Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in Xizbul Islaam ka soo goosteen.
Sheekh Maxamed Cismaan (Aroos)Afhayeenka dhanka Howlgalada Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadooda aanay marnaba ku biiri doonin Dowlada balse ay rasaas uga hortagayaan.
Sheekh Maxmed Cismaan Aroos aya tilmaamay in Xizbul Islaam aanay wax ciidamo ah oo ka tagay isagoo muujiyay in dhankooda maalin waliba ay ciidamo Dowlada ka soo tagaya ay soo gaaran balse aanay saxaafada u soo bandhigin.
Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay yihiin kuwa ku qanacsan howsha ay u hayaan bulshada iyo Jihaadka ay kula jiraan Ciidamada Dalka ku soo duulay.
Hadalka Xizbul Islaam ka soo baxay ayaa waxa uu Imaanayaa xilli shalay Dowlada Soomaaliya ay soo bandhigtay rag ay sheegftay in ay ka soo baxsadeen Xizbul Islaam kuna biireen Dowlada Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.