Bartamaha(Muqdisho):-Midowga Afrika ayaa si rasmi ah Ciidamadooda AMISOM ugu fasaxay in ay ka qeyb-galaan dagaalada ka socda Caasmida Muqdisho kuwaasi o inta badan looga taagroonaaday Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya .
Ramtane Lamamra oo ah Guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka ee ururka Midowga Africa oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu daaha ka qaaday in si rasmi ah ay Ciidamadooda ugu fasaxeen la dagaalanka Xoogaga Islaamiga ah ee haatan Ciidamada Dowlada dagaalada kula jiray.
Lamamra ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM loo ogolaaday la dagaalanka Islaamiyiinta Mucaaradka kuwaasi oo uu sheegay in ay ku soo dhawaadeen xarumaha ciidamadooda ay ka joogaan magaalada Muqdisho taasi oo uu sheegay in ay qasab ka dhigayso in ay dagaalamaan askartooda.
Gudoomiyaha Golaha nabada iyo Ammaanka Afrika ayaa intaasi ku daray in Ciidamadooda ay haatan ku suganayihiin fariisimada kala ah Dakadda iyo Garoonka Muqdisho iyo Xarunta Madxtooyada Villa Somalia kuwaasi oo uu ku sheegay in aanay dagaalada si toos ah haatan uga qeyb-qaadan.
“Ka dib wada tashi ay yeesheen dhammaan wadamada Afrika iyo kuwa Ciidamadooda ay ku jiraan soomaaliya waxaa la isla meel-dhigay in Ciidamada Amisom ee haatan ahaa Nabad Ilaaliyaal loo badalo Nabad dhaliya-yaal isla mar’ahaantaana la dagaal galaiyo 4.300-Askari ee Muqdisho haatan ku sugan si ay uga guulestaan Islaamiyiinta caalamka ka kala yimid ee dagaalada la galay Ciidamada dowlada”ayuu yiri Ramtane Lamamra
Ramtane Lamamra ayaa ku faanay in ay ku kalsoon yihiin ciidamadooda isl markaasina ay ka taqalusi karaan dhammaan islaamiyiinta ku sugan gobolada dalka soomaaliya ee duulaanka ku ah gobolka Geeska afrika oo uu sheegay in aanay awood sidaa u baaxad weyn ku lahayn dalka balse ay haystaan taageera xagga caalamka ah caawitaana ay ka helaan Al-qaacida.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.