Ururka Alshabaab oo wacad ku maray in ay dagaalo la galayaan Ciidamada Itoobiya Ee shalay soo dagay Magaalada B/Weyne.

Posted on Aug 30 2009 - 7:23am by News Desk
Tweet
Pin It

sheekhBartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada dalka soomaaliya ay yihiin kuwa bilow ah islamarkaana ay dhawaan bilaabayaan dagaalo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay bilaabayaan dagaalo ka dhan Ciidamada Itoobiya Ee shalay si toos ah u soo dagay Magaalada Balad Weyne.

 

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in bishan Ramadaan ay wadayaan dagaalo ay dalka ku xureynayaan sida uu sheegay islamarkaana ay kula dagaalamayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Shisheeyaha ah.

Afhayeenka Alshabaab ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya shalay ay dhac iyo baarasho kula dhaqaaqeen dadka ku dhaqan galbeedka Magaalada B/Weyne halkaasi oo uu tilmaamay in ay tacadiyo ka geysteen.

Hadalkan ka soo baxay Alshabaab ayaa waxa uu imaanayaa xilli magaalada Muqdisho ay dagaalo ku dhexmarayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Islaamiga ah taasi oo ay dheertahay dagaalo iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo laga dareemayo qeybo ka mida Gobolka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.