TV-ga Warbaahinta Shabelle oo Hawada dib ugu soo laabtay

Posted on Dec 22 2009 - 3:41pm by Editor
Tweet
Pin It

Shabelletv_logoTV-ga Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa  Hawada dib ugu soo laabtay kadib markii ay waxyeelo ka soo gaartay duqeyn dhawaan ku soo dhacday dhismaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Waxaa hawada dib ugu soo laanbtay holihii Shaqo ee Tiifiiga Shabakadda Warbaahinta Shabelle kadib markii 48- saacadood uu hawada kaga maqnaa cilid ka soo gaartay Madfac Maalintii Axad ee la soo dhaafay ku soo dhacay dhismaha kore ee Xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay ku leedahay Magaalada Muqdxisho.

Sheekh Max’ed Amiin Markiis oo ah Injineerka TV-ga Shabakadada Warbaahinta oo ka hadlayay dib u soo laabashada talefashinka ayaa waxaa uu sheegay in TV-ga holihiisii ay caadi u bilaabanayaan gaar ahaan wararkii Barnaamijyada iyo cayaaraha oo inta badan dadweynuhu ay uga barteen waxaana uu sheegay in qalab ka gubtay TV-ga dib loo badalay islamarkaana uu soo gali doono Hawada 6-da Maqribnimo ee Caawa.
 
Soo laabashada TV-ga ayaa waxaa si weyn ugu farxay islamarkaana soo dhaweeyay qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho iyagoo sheegay in TV-ga ay ka heli jireen macluumaad aad u badan islamarkaana ay tabeen labadii habeen ee uu hawada ka maqanaa.
 
Ilaa dhowr madfac oo ku soo dhacday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha kuwaasi oo mid ka mid ah uu haleelay Sarta Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay ka dagantahay Magaalada MUqdisho ayaa waxaa uu sababay in uu hawada ka baxo TV-ga Shabakadda Warbaahinta Shabelle iyadoo maantana hawada uu dib ug soo laabtay.
Shabelle.net