Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa ku baaqay kulan deg-deg ah oo looga hadlaayo abaarta ka jirta Africa.
Mr.Davutoglu ayaa saxaafadda u sheegay 57-da wadan ee ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka in dhawaan kulan ku yeelan doonaan Istanbul ama Jiddah, oo dalka Saudi Arabia, kaa oo looga hadli doono xaaladda macluusha ee ka jirta Soomaaliya.
Davutoglu ayaa ku jadwaleesan in uu booqdo wadamadda Ethiopia iyo South Africa goordame oo bishan, waxa kaloo uu sheegay in uu aadi doono wadanka Kenya iyo dalalka oo gobalka ku yaala.
QM ayaa sheegtay Tobanaan kun oo qof in ay u dhinteen xaalad macluul ah soomaaliya bilihii ugu dambeeyay.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya