(Muqdisho www.Bartamaha.com) Dowladda Turkiga ayaa sheegtay 50 ton oo gargaar ah in ay keeyneso soomaaliya
Ra;iisal wasaare ku xigeenka dalkaas Bekir Bozdağ ayaa sheegay iyado dhaqaalaha Turkiga uu iska yaryahay haddana ay doorbideen inay ka qayb qaataan dadaaladda loogu jirro in la sama tixiyo malaayin qof oo abaar ay ku heeso soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka waxa kaloo uu sheegay in dhoor duyuurad oo xamuul sidda in ay imaan doonaan magaalada muqdisho maalmaha soo socda qaar koodna ay soomaaliya imaadeen.
Waxa uu intaas ku daray in ay ballarin doonaan gargaarka la siinaayo Soomaaliya.
Wasiirka Caafimaadka Turkiga Recep Akdağ ayaa isniintii sheegay in gargaarka lagu dari doono dawo
Ra’iisal Wasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa sabtidii todobaadkan waxa uu ugu baaqay dhamaan hey’addaha Xukuumadda in ay ka qayb qaataan olalaha ay ku jiraan siddii loo caawin lahaa Africa gaar ahaan Soomaaliya
W/D:Xafiiska Wararka Bartamaha Muqdisho Soomaaliya