Tanzaaniya iyo Zambiya oo shaqa ka dhigtay xariga tahriibayaasha Soomaalida.

Posted on Oct 28 2009 - 8:52am by News Desk
Tweet
Pin It

tansaniaBartamaha(Dar-Salam):-Xabsiyada Dalalka Tanzaaniya iyo Saambiya ayaa waxaa buux dhaafiyay dhalin yaro shaqo u doonanaysay Dalka South Afrika oo dhexda ay ku dhibaan Ciidamada Wadamadaasi.

Dhalinyaro badan ayaa waxaa la dhigay Xabsiyada Tanzaaniya kuwaasi oo badanaa ka dhaqaaqay dhanka Kenya si ay u garaan Koonfur Afrika oo ay shaqo u doontaan dhalinyarada Soomaalida.

Ciidamo laaluush qaatayaal ah ayaa dhuunta u galay Dhalinyarada Tahriibayaasha  kuwaasi oo caada qaatayaasha Tanzaaniya iyo Zaambiya ay dhex u galaan.

Maxaabiista ayaa waxa ay yihiin kuwa la weydiisyo dhaqaale lagu sii daayo si ay u garaan South Afrika wallow ay wadada dhibato kala kulmaan.

Dhalinyaro badan oo ku dhow 200-ayaa waxa ay haatan ku xayiranyihiin Xadka Tansaaniya iyo Mosanbiiq taasi oo ay dheertahay qaar ay xerteen Zaambiya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.