Taliyihii Ciidamada Booliiska Puntland oo xalay isku dilay Magaalada Garoowe Ee Xarunta Dowlad Goboleedkaasi.

Posted on Aug 6 2009 - 6:54am by News Desk
Tweet
Pin It

puntland logoBartamaha(Garoowe):-Fiidnimadii xalay ayaa la xaqiijiyay in Taliyihii Ciidamada Booliiska Puntland Muuse Axmed Faarax (Joqoraafi) uu dil isugu geystay bartamaha Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland.

Taliyaha ayaa la sheegayaa in uu madaxa iska toogtay iyadoo abaara 9-kii Fiidnimo dhaawac ahaan looga soo qaaday hoygiisa gudaha Magaalada Garoowe iyadoo uu ku geeriyooday isbitaalka Magaaladaasi.

Gudoomayaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa sheegay in Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Muuse Joqoraafi  maalmihii la soo dhaafay uu xagga Maskaxda ka xanuunsanayay taasi oo keentay in uu xalay isku toogto hurigiisa.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland ayaa haatan maydkiisa uu yaalaa isbitaalka Magaalada Garoowe iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay qoyskiisa oo ku aadan qaabkii uu isku dilay iyo xiligaasi xaaladiisa sida ay ahayd.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia