Taliyihii Ciidamada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Gobolada dhexe oo la toogtay.

Posted on Oct 3 2009 - 3:57pm by News Desk
Tweet
Pin It

ahlu sunah'Bartamaha(Guri-Ceel):-Taliyihii Ciidamada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Gobolada Dhexe ayaa la soo sheegayaa in kooxo hubaysan ay toogasho ku dileen Xilli uu safar ku marayay Gal-Gaduud.

Cismaan Maxaxmed “Fara-gaab” oo ahaa taliyihii Ciidamada Ahlu-Sunnah Gobolada dhexe ayaa la soo sheegayaa in rag hubaysan ay ku dileen wadada u dhexeysa Degmooyinka Ceel-Dheer iyo Guri-Ceel.

Taliyaha ayaa warar lagu kalsoonyahay waxa ay sheegayaa in ilaaladiisa ay dagaal ku mashquuleen si ay isaga difaacaan kooxo wadada u galay oo ka mid  ahaa Alshabaab balse si gaadma ah taliyaha rasaas loogu dilay.

Dhulka Taliyaha lagu dilay waa dhul keyn ah oo u dhexeeya Deegaanka Gal-cad iyo haan-gorof oo ka mid ah Gal-gaduud halkaasi oo la sheegay in uu ku socday safar ku wajahan Guri-Ceel.

Dhimashada Sargaalka ayaa noqotay mid muran xoogan dhalisay iyo kala shaki ka dhex abuurmay Saraakiisha Ahlu-sunnah dhexdooda iyadoo Ciidamada qaarkood loo xeray sababta Sargaalka loo dilay.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.