Bartamaha (Garoowe):- Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax lagula beegsaday gudaha Gaalkacyo.
Taliyaha Daraawiishta Maxamed Muuse Ilka-dheere ayaa ka waramay qarax miino oo maalintii shalay ahayd lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Taliyaha ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in qaraxa lala beegsaday uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso taasi oo haleeshay gaariga uu watay Sargaalkan sida uu cadeeyay.
Taliye Maxamed Muuse waxa uu sheegay in gaarigiisa uu qarxay islamarkaana Burbur laxaad leh uu gaaray gaariga wallow isaga uu ka badbaaday isku daygaasi dil eel ala damacsanaa.
Taliyahan waxa uu wacad ku maray soo qabashada dadkii qaraxa abaabulkooda lahaa isaga oo fariin ahaan ugu sheegay in uu Alle dile dhinto balse uu isaga ka sii shaqeyn doono amniga dalka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.