Taliska Dhexe Dowlada Maraykanka oo sheegay in ay dhawaan la wareegayaan howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya.

Posted on Aug 13 2009 - 7:01am by News Desk
Tweet
Pin It

KENYA PIRACYBartamaha(Manama):-Taliska Dhexe Ee Dowlada Maraykanka ayaa daaha ka qaaday in todobaadka soo socda Xeebaha Soomaaliya maraakiibtooda soo gaarsiinayaan si ay ula wareegaan howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah.

 

Sargaal ka tirsan Taliska Dhexe Ee Maraykanka uu ku leeyahay Baxrayn oo la hadlayay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in todobaadka soo aadan ay la wareegayaan howlaha la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida.

Sargaalkan Ciidamada Badda Maraykanka u hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay ka soo dhaqaaqayaan maanta oo khamiis ah Xeebaha Baxrayn si ay howlgalka ugala wareegaan Ciidamada Turkiga Ee haatan haya howlahaasi.

Dowlada maraykanka ayaa haatan sheegtay in ay qaadi doonto ololihii ugu balaarnaa eek u aadanaa la dagaalanka Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida si ay uga hortagto dhibaatada ay xeebaha soomnaaliya ka wadaan.

Inta badan dowladaha NATO ka tirsan oo ay maraakiibtooda  joogaan xeebaha soomaaliya ayaa waxa ay sameeyaa waqti isbadal ah oo ay howlgalada u kala wareegaan .

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com

Muqdisho-Somalia.