Bartamaha(Muqdisho):-Taliska Ciidamada Daraawiishta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin Wax Ciidan ah oo ka goostay Dowlada KMG ah kuna biiray Xarakada Alshabaab.
Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Sheekh C/risaaq Qeylow ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin wax Ciidan ah oo Dowlada ka goostay kuna biiray Alshabaab.
Sheekh Qeylow ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay yihiin kuw ku qanacsan shaqada ay u hayaan Dowlada KMG ah islamarkaana aanay marnaba isku dhiibeen Koox uu Cadow nku tilmaamay.
Afhayeenka ayaa sheegay in Kooxda Alshabaab ay mar waliba boofiyaan gawaari ay u yeelaan Astaanka gaadiidka Dowlada islamarkaana ay doonayaan in ay qaldaan Ciidanka Qaranka.
Masuulkaasi ayaa ugu danbayntii si kulul u weeraray Xarakada Alshabaab isagoo sheegay in dalka ay dhibaato ka wado dhawaana uu ku hanjabay in laga saari doono dhammaan dalka Soomaaliya.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.