Bartamaha (Muqdisho) Afhayeenka Ciidamada Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya ayaa galabta sheegay in Ciidamadooda ay dileen mid ka mida dhalinyaro isku dayday in ay dhacaan gaari uu lahaa Hogaanka socdaalka.
C/laahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay dileen wiil 25-jir ah kaasi oo galabta isaga iyo laba kale ay isku dayeen in ay dilaan darawalka gaariga taliyaha hogaanka socdaalka xilli uu marayay isgoyska KM.4 Ee Muqdisho.
Bariise Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in dilka ninkaasi uu yimid ka gadaal markii ay rasaas ku fureen gaariga Col.Gaafow ka dibna ay dhaawaceen darawlka sidaasi ay Ciidamada Booliiska ay u rasaaseeyeen koxaha falkaasi galay.
Maydka ninkaasi Ciidamo Galabata KM.4 ku dileen ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay Xaalada Wadadaasi ay ahayd mid aad u xasiloon iyadoo ay yaraadeen dhaca ay ciidamada halkaasi ka geysan jireen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.