Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Ugandha ayaa siyaaba kala duwan uga hadashay dagaaladii ugu danbeeyay EE Dalka Soomaaliya ka dhacay kuwaasi oo saraakiil ka mida ay qaarkood qirteen ka qeyb-galkooda halka qaarkalana ay beeniyeen in ay dhaafeen xeryahooda.
Afhayeenka Ciidamada Difaaca dalka Uganda ee loo yaqaano UPDF ayaa waxa uu sheegay in aanay marnaba dagaalada lug ku yeelan balse ay jiraan qasaarooyin Ciidamadooda ku soo gaaray dagaalada ka socda caasimada Muqdisho.
Sargaalkaasi afhayeenka u ah Ciidamadaasi ayaa waxa uu been abuur ku tilmaamay war dhawaan ku soo baxay wargayska Daily Monitor kaasi oo qeexaayay in Ciidamada ugandha ay ka dhinteen ilaa 5-Askari dagaaladii lugta ahaa oo ay ka qeyb-galeen sida uu wargayska u sheegay sargaal Ciidamada Amisom ka mid ah.
Afhayeenka Guud Ee Ciidamada Amisom oo laba waqti ka hadlay dagaalada Muqdisho ayaa mar ka mida waxa uu sheegay in dagaalka ay dhankooda ka qeyb-galeen balse saacado ka dib ayuu ka laabtay arintaasi isagoo dib maalintii danbe u sheegay in ay awood u leeyihiin Ciidamada Amisom la wareegida Gobolada dalka balan uu ku qaaday in ay tagayaan Baydhabo iyo Kismaayo.
Sargaal magaciisa qariyay ayaa wargayska Daily Monitor u sheegay dhawaan in dagaalada ay ka qeybgaleen askartooda 5-askarina ay kaga dhinteen balse saacada ka dib ayaa sargaalka askarta Amisom qeybtooda difaaca lugta waxa uu sheegay in 3-Askari ay uga dhinteen dagaalada kuwaasi oo uu sheegay in madaafiicda Hoobiyayaasha ay ku haleeleen xarumaha ay Muqdisho ka daganyihiin.
Hadaladan iska daba imaanaya Ee ka soo yeerayay saraakiisha Ciidamada Amisom ayaa dhammaan waxa ay ku soo beegmayaan xilli dhawaan la badalay taliyihii guud Ee Ciidamada Amisom u qaabilsanaa dalka Soomaaliya kaasi oo aan ilaa haatan la arkin sargaalkii lagu badalay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia