Bartamaha (B/weyne):- Taliska CiidamaDA Dowlada Fd Soomaaliya Ee Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan qorshayaal ay kula wareegayaan dhamaan deegaanada Gobolkaasi.
Gen.Cali Maxamed Geedi oo ah taliyaha Ciidamada Dowlada Gobolka Hiiraan oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Baladweyne ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan qorshayaal ciidamadooda ay ku gaarayaan qeybaha Gobolkaasi.
Taliyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamadiisa ay diyaar u yihiin sidii ay u weerari lahaayeen dhammaan Gobolada ay ku sugan yihiin Kooxahaasi Dowlada Mucaaradka ku ah oo u sheegay in ay dhibaato ka wadaan Goboladaasi.
Sargaalkaasi ayaa waxa uu saxaafada u xaqiijiyay in ay jiraan deegaano ka mida magaalada Baladweynye oo ay welli dhibaato ka wadaan Islaamiyiintaasi isagoo ku hanjabay in todobaadkan gudihiisa ay ammaanka magaalada adkayndoonaan.
Taliyaha Ciidamada Ammaanka Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay sugayaan amaro dowlada madaxdeeda ay siiso balse ay u dhaqaadhi lahaayeen Deegaano badan oo ka mida Gobolkaasi Hiiraan Iyo dhammaan gobolada la jaarka ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.