Bartamaha(Muqdisho):-Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya oo saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay soo qab-qanteen dad uu ku eedeeyay howlo ammaan dara ah oo ay ka wadeen Magaalada Muqdisho.
Cabdi Qeybdiid Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ciidamadooda wadeen howlo ay ku sugayaan ammaanka magaalada Muqdisho.
Taliyaha Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya Cabdi Qeybdiid ayaa waxa uu tilmaamay in dadka la soo qabtay ay qaarkood ahaayeen dinbiilayaan ammaanka dalka wax u dhimayay halka qaarka kalana uu ku sheegay in ay jabiyeen amarkii lagu mamnuucayay gawaarida muraayadaha Bensalka.
Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlada Fd Soomaaliya Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxa uu digniin u jeediayay shacabka reer Muqdisho isagoo sheegay in uu bilaabanayo howlgalkii Marshal Low ama Sharciga Dag-Daga oo ay ciidamada dowlada u qaateen dilka bareerka ah iyo baarashada dadka rayiodka ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.