Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka digay in askarta dowlada ay ku biiraan Mucaaradka dhibaatada nolosha ka haysata awgeed.

Posted on Sep 8 2009 - 8:23pm by News Desk
Tweet
Pin It

BOBartamaha(Muqdisho):-Taliska Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa maanta sheegay in Ciidamo dowlada ka mida ay ku biireen Mucaaradka dhibaatada xagga Maaliyada Ee Ciidamada haysata awgeed.

Taliyaha Ciidamada Booliiska General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta la hadlyay madaxda dowlada soomaaliyeed xilli hadal ka jeedinayay mucaasabad ciidamada Badda tababar loogu soo xeray ayaa waxa uu muujiyay khatarta dowlada uga soo wajahan dhanka Ciidamada dhaqaala la’aanta ah.

Gen.Qeybdiid ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada qaarkood ay xiligan u boqooleen dhanka Mucaaradka gaar ahaan Alshabaab si ay dhaqaale meel leh u gaaraan taasi oo uu sheegay in ay sharaf dhac ku tahay.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa madaxda dowlada ugu baaqay in  ay Ciidamada ka taakuleeyaan xagga Maaliyada haddii la doonayo ammaanka oo la wanaajiyo iyo ciidamada asluubtooda oo la xaqiijiyo.

Hadalkan maanta uu jeediyay taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa imaanaya xilli Ciidamada dowlada la sheegay in aanay qaaday wax mushaaraad ah islamarkaana ay dhibaato xagga nolosha ah ay haysato.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.