Taliska Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya oo isgoyska KM.4 ka mamnuucday dhaqdhaqaaqa ganacsiga qaadka.

Posted on Aug 31 2009 - 5:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC06866Bartamaha (Muqdisho) Taliska Ciidanka Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta Ciidamo ku daadiyay Wadada KM.4 Ee Muqdisho halkaasi oo laga qaaday goobihii ganacsiga qaadka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid  oo maanta saxaafada kula hadlayay Isgoskaasi ayaa waxa uu sheegay in ammaan darada Isgoyska NO.4 ay ka sii daraysay maalmihii la soo dhaafay sidaasina ay u go’aansadeen in laga qaado qaadka iyo goobaha yar-yar Ee Ganacsiga bartamaha Wadada.

Taliyaha ayaa go’aankaasi ku macneeyey mid loo yeelayo dhanka Amaanka waxa uuna sheegay in ay ku soo bateen wadada kooxo shacabka ku dhuumanaya kuwaasi oo uu tilmaamay in dilal ay halkaasi ka geystaan.

Xaalada Isgoyska KM.4 ayaa maanta ahayd mid xasiloon iyadoo wadada ay noqotay mid firaaqa ah gaadiidkuna ay si xowli ah halkaasi ku maraan dadka lugaynayana wadada ay ku yaraadeen ka dib markii Ciidamada ay baaritaano ku hayeen dadka wadada maraya.

Waa markii ugu horeysay Ee Isgoyska KM.4 uu noqdo mid shacabka uu ku yaraaday xilli daaraha ku yaala isgoyska ay daganyihiin Ciidamada Amisom oo si xoogan ula socda dhaqdhaqaaqa xagga ammaanka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.