Boosaso:Booliska Puntland oo fashilyay miinoyin lagu bartilmaameedsanayay

Posted on Feb 24 2010 - 7:06am by News Desk
Tweet
Pin It

mnoBartamaha(Boosaaso):-Ciidamada Booliiska Puntland ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay qaadaan Waxyaabaha Qarxa oo dhulka la galiyay si loogu dilo masuuliyiin ka mida Maamulka Puntland.

Sida uu saxaafada u sheegay Taliye ku xigeenka Booliska ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Jaqanaf waxaa la helay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in masuuliyiin lagu dilo.

Jaqanaf ayaa sheegay in ay soo saareen Miino ay dhulka galiyeen Kooxaha wax laaya taasi oo ay ku doonayeen in ay masuuliyiin Puntland ka tirsan ay ku dileen gudaha Boosaaso.

Taliye Xigeenka ayaa sheegay in Miinada la galiyay Wadada bartamaheeda si ay ula beegsadaan gawaarida madaxda Dowlada Goboleedka Puntland iyadoo dadka dagan hareeraha wadada la galiyay ay Booliiska u soo shegeen.

Miinada ayaa waxa ay ahayd mid ku jirtay Gasacad nuuca lagu keno Caanaha o ay ka soo buuxiyeen waxyaaba diyaarsan oo qarxaya sida uu sheegay Sargaalkaasi u hadlkay Booliiska Gobolka Bari.

Booliiska Magaalada Boosaaso ayaa waxaa inta badan la shaqeeya Bulshada reer Boosaaso oo aan doonayn sii socoshada ammaan darada dhawaanahan ka taagnayd magaaladaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.