Bartamaha (Sanca):-Tahriibayaal soomaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Xeebaha Dalka Yaman xilli maxaabiis Soomaali ah ay cuduro ugu geeriyoodeen Xabsiyada Dalkaasi.
Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in Xeebaha Wadankaasi ay gaareen tahriibayaal soomaali ah galinkii danbe Ee shalay kuwaasi oo la socday dooni yar oo ka soo shiraacatay Xeebaha Maamulka Puntland.
Tahriibayaasha shalay galinki danbe soo gaaray xeebaha wadanka Yaman ayaa lagu qiyaasay in ay gaarayeen in ka badan 100-ruux oo badankood ah Soomaali ka soo ambabaxday Magaalada Boosaaso.
Dhanka kale Wasaarada Arimaha Dobada Wadanka Yaman ayaa sheegtay in cudurka Kolooraha ay u geeriyoodeen  4-rag iyo 2-haween ah kuwaasi oo intoodaba ku jiray xabsi ku yaala wadanka Yaman.
Isku soo duube Xaalada tahriibayaasha ayaa laga deyrinayaa iyadoo taasi ay dheertahay dhibaato xagga nolosha ah oo la soo dersan soomaalida ku nool dalkaasi yaman oo qaar ka mida xabsiyada ku xanuunsanaya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.