Tahriibayaal Soomaali ah oo dib logu soo celiyay Dalka Liibiya ka dib markii Talyaaniga dhawaan ay gaareen.

Posted on Aug 31 2009 - 1:37pm by News Desk
Tweet
Pin It

tahriibayaalBartamaha (Tripoli) Qaar ka mida Tahriibayaal Soomaali ah oo dhawaan ka baqoolay dalka Liibiya ayaa lagu soo celiyay Xeebahya Dalka Liibiya ka dib markii ay qabteen Ciidamada Ilaalada Badaha Talyaaniga.

Dowlada Talyaaniga ayaa dib u soo celisay tahriibayaashan ka gadaal markii ay hishiis gaareen dhawaan dowladaha talyaaniga iyo Liibiya kaasi oo ku aadan kooxaha trahriibayaasha ah.

Ciidamada Talyaaniga ayaa la sheegay in ay soo qabteen Dooni  waday 72-tahriibayaal ah ayaa ka amba baxday Dalka Liibiya, si ay u garaan Dalka Talyaaniga, isla markaana u helaan nolol ka wanaagsan mida ay uga soo carareen dalka Soomaaliya.

Muddo 3-cisho ka dib xiliga ay gaareen xeebaha Talyaaniga ayaa la xaqiijiyay in ay soo qabteen Ciidamada Illaalada Xeebaha Talyaaniga kuwaasi oo la soo aaday dhanka Dalka Liibiya.

Waa markii ygy horeysay oo Dow;lada Talyaaniga ay si rasmi ah u soo celiso tahriibayaal Soomaali ah taasi oo xadgudub xogan ku noqotay dadkii soomaalida ahaa oo ay ka soo qabteen xeebaha Wadankaasi Talyaaniga

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.