Tahriibayaal ku dhamaaday Xeebaha Dalka Yamen iyo qaar la badbaadiyay.

Posted on Sep 28 2010 - 2:32pm by News Desk
Tweet
Pin It

US Somalia DrowningsBartamaha (Yamen):-Markab laga leeyahay Dalka Maraykanka ayaa badbaadiyay Koox Tahriibayaal ah xilli ay naftooda halis badan ku jirtay halka qaarkood ay dhinteen.

Markabka lagu magacaabo USS Winston Churchill ayaa badbaadiyay qaar ka mida dad ay duuni kula shiiday biyaha gacanka Cadan Ee Dalka Yaman halkaasi oo ay ku dhinteen qaar ka mida Tahriibayaal Ethiopian u badan.

Tahriibayaasha oo gaarayay 85 tahriibayaal ah ayaa waxaa 75 ka mid ah ay ahaayeen Itoobiyaan halka 10-ka kalana ay ahaayeen Soomaali kuwaasoo oo dhammaan halis galay markii doon ay ka quustay.

Doonta ayaa markii quustay oo saacada ay joogtay waxaa goobta soo gaaray markabkaasi oo helay inta qof ee noolayd oo badbaadin uu u sameeyay sida ay qoreen wakaaladaha Wararka Ee Caalamka.

Doontaasi yar ayaa waxa ay ka baxday xeebaha Puntland iyadoo doonaysay in ay gaarto xeebaha Yamen wallow ay ku quustay halkaasi markii cilad loo sababeeyay culeeska uu soo wajahay taasi oo noqonaysa mid ka mida dhibaatooyinka Tahriibayaasha soo wajaha.

Dhawaanahan ayaa waxaa soo badanayay doonyaha Tahriibka markii badda isku xerta Yamen iyo Somalia ay ay dib u furantay markii ay joogsadeen dabaylihii sanad laha ahaa ee ku dhifan jiray xeebahaasi.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]