Bartamaha (Nairobi):- Marka hore intaanan qoraalkayga bilaabin waxaan rabaa inaan ka soo hormariyo afeef ah ixtiraamka aan u hayo qoraaga maqaalka carabta iyo carabigu ma ajnabi baa? (qebta 1aad) oo aan rabo inaan halkaan ku qalinceliyo (afceliyo). Runtii waxaan ku farxaa qoraaladiisa, waxaanan dareemaa markaan akhrinayo in tayada maqaalka somaligu uu horumar sameeyay.
Waxaan kaloo ka afeefanayaa inuunan ahayn nin lagu tuhmi karo ka iilashada af-somaliga, waayo wuxuu aad isugu dayaa inuu maqaaladiisa ku qoro af-somali noociisu sareeyo, taasina waxay muujinaysaa jecaylka uu af-soomaliga u hayo.
Laakiin sheekh iyo aw waxuu yahayba dadkii akhrisanjiray qoraalladiisa aad bay uga xumaadeen markaan waxuu qoray. Maqaalkiisu markuu u fiicanyahayna waa rag iska dhicin iyo ciil cadaabtii ka dooro, markuu u liitana(waana sida uu yahaye) waa â€Halkaad Cali Sharmaarkow na tidhi, waa huf iyo beeneâ€.
Arinta kaloo aan akhristoow rabo inaad niyadda ku hayso markaad qoraalkaan akhrinayso waxay tahay doodaydu inayna ku salaysnayn kalmada ajnabi, waayo waa kalmad ay ahaanshaheeda iyo ahaansho la’aanteedu ay ku xirantahay siyaasadda iyo nidaamka markaas jira iyo heshiiska nidaamkaas ay wadamo wada galaan.
Matalan tusaale aan u soo qaadano afar nidaam oo kala duwan.
Nidaamka koowaad waa mid caqiidada ku dhisan sida kan Islaamka, oo islamku wuxuu qofkastoo muslim ah u aqoonsayahay muwaadin ka tirsan ummadda islaamka. Qofkii aan muslim ahayn oo gaal ah wuxuu u aqoonsanyahay inuu yahay ajnabi.
Nidaamka labaad waa midka qowmiyadda ku dhisan sida midka dowladaha ka tirsan Jaamacadda carabta iyo kan Yuhuudda, oo labdaasiba waxay u yaqaanan qofka dhalasho ahaan ka soo jeedaa qowmiyadaas hadday carab tahayna uu muwaaddin carab ah yahay, hadday Yuhuud tahayna muwaddin Israel ah yahay. Midkii aan qowmiyaddaas ahayna uu yahay ajanabi.
Nidaamka saddexaad waa midka dowladaha aduunka inta badan ay isticmaalaan (Nation-state) oo muwaadan waxaa ah qofka dhalashada wadankaas haysta ama ha ku dhasho oo saas muwaadin ha u noqdo ama dhalshaddii ha qaato oo saas muwaadin ha ku noqdo. Qofkii aan dhalashad wadanka haysana waa ajnabi.
Waxaa jira nidaam afraad oo ka hooseeya saddexdaas oo waan kan qoyska oo ajnabi waxaa lagu tilmaamaa cidii aan ka tirsanayn faamilkaas.
Laakiin waxaan rabo inaan ka doodo waxa weeye Soomaalidu ma carab baa mise carab maahan. Waxaanan rabaa inaan u olaleeyo inaanay somalidu carab ahayn. Waxaan kaloo aad aan kuugu mahadcelinayaa qoraalkaan oo aad u dheer inaad igu sharaftay inaad wakhtigaaga qaaliga ah galisid akhriskiisa. Soo dhawaada.
Soomaalidu carab maahan
Sayidii iga ogolow inaan aniga iyo dad badanba kugu khilaafno maqaalkaagii wixii ku qornaa oo dhan. Sababtuna maahan inaan ka tirsannahay kooxdaas ku hawlan kala gaynta shacabka somaliyeed iyo diintooda, balse sababtu waxay tahay sida geesinamada leh ee aad kutiri ku teen ugu tilmaantay inay tahay xaqiiqo cilmi ah.
Runtu waxay tahay luuqada carabigu waligeedba soomaalida waxay ku dhex lahayd mu’ayadiin iyo mucaarad, waligeedna waxaa badnaa dadka jecel oo ayyida luuqadda carabiga. Sababta loo ayyidayana maahan dhalasho aan wadaagnee waa mabaadi’da iyo caqiidada nagala dhaxaysa, kaligoodna maahee ummadda muslimiintoo dhan baan wadaagnaa oo ay ku jiraan dadka afrikaanka ah oo aad qoraalkaaga uga faanaysid,( cudurada dadka ku dhaca waxaa ka mid ah cunsurnimo uuna qofku ku baraarugsanyn in cudurkaasi hayo. )
Inkasta oo ay taageerada carabidu somalida dhexdeeda taariikh dheer leedahay balse waa layaabe waa markii koobaad oo taariikhda aan maqalno dad jacayl ay u qabaan luuqada carabiga dartiis ku tilmaamay luuqadii somaaliga luuqad ajanabi. ( ma xasuusataan barnaamijkii Soomaalida maantay? Maantayna waa maalin kale, laakiin ma garan kartaa danta ka danbaysa cadanta laga heesayo?).
Ma rabo inaan shaki ka abuuro danta aad ka leedahay caal ku qaadka carabiga iyo ka cararka somaliga, laakiin waxaan rabaa af-soomaaligii oo la dulmiyay inaan abaan u noqdo, kana raali galiyo jawrka qooqa indhaha la’i kula tuntay, waayo waligeedba iyada iyo carbigu ismay diidin kamana masayrin.
Waa yaabe ma fawdada ka mid noqotay dhaqankii soomaalida iyo hoogga iyo ba’a waxay na badeen inaan ka cararno dhalashadeenii oo ummad kale oo iyana is diidan annagana na diidan aan dusha ka fuulno (oon nalagu igraahine kalgacal ugu abraarayno).
Qofka suuriga ah haddaad tiraah ma masri baad tahay, ama ciraaqi, ama yamani ama lubnaani baad tahay wuu kaa xanaaqayaa. Sababtoo ah waxaad ku tilmaantay wuxuuna ahayn.
Waxaa hubaal ah luuqaddeenu iyo dhalashadeenu kama liitaan kamana ahamiyad yara luuqadda carabiga iyo carabnimada. Bal cagsigeedaa sixiix ahoo haddaan ka tagno luuqaddeena iyo dhalashadeen waxaan dulli iyo nusqaan ahayn noo siyaadimaayaan.
Islaamnimada, Soomaalida iyo carabnimada.
Waddamaddda dadka carabtu degaan waxaa kula nool dad aan carab ahayn laakiin in ka badan kun sano la noolaa Carabta. Luuqadda carabiga waxay ugu hadlan sida dadka carabta ahi ugu hadlaan, wayna is guursadaan oo wada dhaqmaan, mana necba cuqdadna kama qabaan, laakiin ma ogala inay ka tagaan asalkoodii iyo luuqadoodii sababtoo ah wax ku qasbaya ma jiran.
Haddii tusaale ahaan aad ku dhex safarto wadanka Suuriya ka soo biloow Jawlaan ilaa qaamashle waxaad kula kulmaysaa dad Suuri ah kuna farxsan suurinimadooda laakiin aan carab ahayn. Haddaad tiraah yaad tahay wuxuu ku oranayaa waxaan ahay sharkiisi, waxaan ahay kurdi, waxaan ahay albaani ama turkimaani.
Marooko wadanka la yiraah dadka ku nool in ku dhow kala bar waa dad aan carab ahayn waxaana u badan dadka layiraahdo Amaasiiq. Jazaair dadka badankiisu waa Barbar dadka la yiraahdo oo aan carab ahayn. Carab ma sheegtaan cuqdadna kama qabaan oo waa dad walalahooda oo ay wax qowmiyad ka weyn mideeyeen waa Islaamke eh.
Suudaan haddaad tagto galbeedkeeda waxaad ugu tagaysaa Fulaani iyo qabaail kaloo aan carab ahyn barigeedana laga soo bilaabo Kasala iyo xuduudda Eratrea, sii mar Qadaarif ilaa Itoobiya laga galayo waxaad dhex maraysaa qabiilooyinka Bariga afrika dagan oo dhan oo ay soomaalidu ku jirto, oo ay caffar ku jirto, oo Orommo ku jirto, Tigree ku jiro, oo Hadandawe ku jirto, oo Bini caamir ku jiro, oo Fulaani ku jiro, oo Amxaaro ku jirto baad ugu tagaysaa, mid kastana wuxuu leeyahay luuqad u gooni ah, soomalida oo iyadu luuqadeedii hilmaantay sida caadada ah maahee.
Laakiin kuligood waxaa walaaleeya carabnimo maahee waa diinta islaamka iyo lahjadda daariyada ah oo ay isku fahmaan. Carabnimadana qof ka didaa ma jiro, qof aan ahayna ma sheegto, saboobta oo ah maslaxad iyo duruuf keenaysa midna ma jirto.
Islaam baan nahaye waa inaan carab noqonaa xujo maahan. Ilaahay diinta uu raali ka yahay waa Islaamka, wuxuuna ugu talagalay dadkoo dhan inay fursad uwada haystaan inay muslimiin noqon karaan, kaan noqona uu yahay danbiile aan Akhiro wanaag sugayn.
Haddii marka islaamnimadu ay waajibinlahayd carabnimo, hadde Ilaahay maba sameeyen luuqado kale, haddii kale meesha dulmi baa ka iman lahaa, Ilaahayna wuu ka nasahanyahay dulmi.
Waa run fahamka qur’aanka iyo sunnadu waxay ku xiranyahiin fahamka luuqadda carabiga, waana muhiim muslimiintu inay bartaan luuqadda carabiga hadday rabaan inay diinkooda si fiican u fahmaan, laakiin waa ceeb iyo sharaf dhac in qof uu sheegto qabiil iyo qowm uunan ahayn.
Pakistan waa dowlad 100% muslimiin ah sida soomaalida, Turkiya 100% waa dad muslimiin ah sida soomaalida, Senegal waa dad muslimiin ah 100% sida soomalid oo kale, Iraan 100% waa dad muslimiin ah sida soomalida, Mali waa dad 100% muslimiin ah sida soomalida oo kale, Afqanistaan 100% waa muslimiin sida soomalida oo kale, Induniisiyiintu 80% in ka badan waa muslimiin. Malaysiya wa saas, Hindiya boqolaal milyuun oo muslimiin ah baa ku nool.
Kuwaas oo dhami islaamkooda aad bay u jecelyahiin aadbayna ugu qiiroodaan una halgamaan, laakiin isuma quuraan inay sheegtaan dhalasho kale sababtoo ah baahi iyo duruuf ku qasbaysaa ma jirto. Ogowna way jecelyihiin luuqadda carabiga, soomaaliduna hadayna been isugu sheekeenayn kama carabi badna dadkaas.
Dalka Soomaaliya dal luuqadda carabiga looga hadlo maahan, oo Soomaalida taqaan carabida 10% ma dhamma. Xataa kuwa mutadayiniinta ah oo labaatan sano saxwad iyo dacwo ku soo dhex jiray waa laga yaabaa inuu sheekh qudbaynaya wax ka fahmo laakiin badankood ma dhici karto inuu shan daqiiqo carabi saxan kugula sheekaysto bal inuu wax ku barto iska daaye.
Xataa waxaa dhacda dad 10 sano in ka badan joogay wadan carbeed in amxaarada Qadaarif ka shaqaysata oo Daariyada jajabsataa ka carabi fiicantahay. Waa waaqic dadkoo dhami u jeedo laakiin inaad tiraah waaqicaas ima cajabin oo ma jeclaysan oo waan inkirayaa waa madaxa derbi ku garaac iyo qar iska tuur.
Halkaas waxaa nooga muuqata inaan Diinteenu nagu qasbayn inaan carab sheegano, mana ahan wax annaga gaar noogu ah ee muslimiinta caalamka inta ugu badan baan la wadaagnaa. Isla markaas waxaa kaloo halkaas nooga cad inaanan luuqaddiina carab ku ahayn oo aan ku hadalkeeda ka aradanahay.
Xagga dhalashadana wax carabnimadeena muujinaya oo ama astaan iyo raad ah ama taariikh sugan oo calamado markhaati ah wata cid haysa ma jirto. Laakiin taas badalkeeda waxaa la hayaa baaris lagu sameeyay silsilada hiddaha iyo dhaxalka bini’aadamka, oo inta dad badan oo wadamo badan ka kala yimid dheecaano laga qaaday shaybaar lagu fiiriyay. Natiijadii soo baxday waxay noqotay in annaga iyo Giriiga dhalasho ahan carabta giriigu u dhawaaday.
Dadka ugu dhow oo dhiigoodu iyo dhiiga carabtu ay aad isgu dhawyahiin waxay noqdeen Kurdida, Turkida, Iiranta iyo Pakistanida. Tusaale ahaan dhiiga Iiraniyiintu wuxuu shabahaa dhiiga carabta 13,8% Kurdidana 11,2 % halka soomaalidu ay noqotay dadyowga carabta aadka uga fog oo dhiigoodu wuxuu shabahaa dhiiga carabta 2,5%. Marka qaraabanimadii dhiigana waxaan rajaynayaa maantay wixii ka danbeeya inaan halkaas uga harno.
Laakiin taas micnaheedu maahan inaan carab ka fogaano ama ka cararno, waayo Carabta waxaa naga dheexeeya iyyaga iyo ummado kaloo tiro badanba wax ka weyn carabnimada kana fiican kana anfac badan aakhiro iyo aduunba oo aan ku midoobi karno oo Ilaahna nagu amrayaba inaan isku walaalaysano waana caqiidadeena.
Balse haddii lagu qasbanaado oo ay lagama maarmaan noqoto inaan qowmiyad ku faanno, hadde soomalinimadaa la qaataa, waayo carabtu ilbaxnimo ka horaysay islaamkaas ayna naga xigin malahan, laakiin annaga waxaa la hubaa inaan xiriir ganacsi iyo mid xadaaradeed aan la lahayn Masaaridii hore, Rom, Furus, Hindida iyo ilbaxnimaddii Giriiga.
Waxaa taariikhda ku sugan in Soomalidu ay ahaayeen dad aad ugu talax tagay fanka ganacsiga oo ay Masaaridii hore iyo Giriiguba aad ugu ixtiraami jireen aqoontaas. Taasna waxaa markhaati ka ah sida haddaba ay ugu fiicanyahiin Soomaalidu ganacsiga iyo wax gadidda.
Waxaa kaloo taariikh sugan ah oo la hayaa in in dhowr kun oo sano Islaamka ka hor uu geedka loo yaqaano qorfaha oo aan shaaha kaliya lagu carfisan jirine siyaabo badan loo isticmaali jiray, ahaana shay aad qaali u ah, uu ahaa suuq sir ah oo Soomalida iyo Hindida ka dhaxeeya. Qorfuhu Hindiya ayuu ka bixi jiray laakiin Soomalidaa qandaraas ku haysatay oo Hindidu cid kale kama gadi karin.
Boqortooyaddii Roma oo awoodda badnayd aadna u isticmaali jirtay qorfaha, boqolaal sano waxay u haysatay inuu qorfuhu Soomaliya ka baxo oo aan meel kale laga helin. Kamana bixi jirine Hindiya ayay ka soo dhoofsanjireen. Laakiin waxay ahayd sir qaran oo culus oo u qarsoon dad xadaarad sare leh. Soomalidu markii danbe suuqaas oo ay lacag badan ka kasbadeen waxay wax ka siiyeen ganacsataddii carabta oo iyaga uga danbeeyay.
Waxay kaloo soomaalidu badaha gadaashooda u beec geyn jireen badeecooyin aan laga helin degaamadii xadaaradihii layaqaanay iyo dhulka Soomaliya midna oo ay ka keeni jireen dhulka hadda loo yaqaan Afrikada dhexe iyo midda Galbeed, cid kaloo awood u lahaydna may jirin inay saas samayso.
Miisaanka Soomalida iyo Carabtu wuxuu is badalay markii carabtu ay shidaalka heshay, qaabkii dhaqan dhaqaale ee aduunka ka shaqaynayayna uu isbadal ku dhacay soomaalidiina sababo badan awgood ay la jaanqaadi waayeen isbadalka ka dhacay aduunka xilligaas, laakiin ka hor Soomalidu carabnino hiloow uma qabin.
Dastuurka Soomaaliyeed iyo carabnimada
Gole shacab, Jaamacad carbeed iyo Dastuur waa mu’asasaad dadku ay u samaysteen inay danoohada iyo masaalixdooda ku ilaalshadaan. Laakiin kama doodi karaan go’aanna kama gaari karaan dadka dhalashadooda iyo cidda ay ku abtirsanayan.
Ilahay baba ku amray nibigeenii scw in ilmaha loogu yeero loona tiiriyo aabayaashood.
Tusaale ahaan qofku waa ina hebel hebel, qabiilka reer hebelna wuu ka tirsanahay, dariiqa kaliya oo dhalashadiisaa looga badali karo waa in dhaxalka DNA,da ee uu xanbaarsanyahay qofkaas isaga ahi ay is yeelan waayaan dhaxalka DNA,da aabaha uu ku abtirsado ama sheeganayo inuu ka soo jeedo.
Arintaasina shaqo gole shacab iyo dastuur u taala maahan ee waa arin cilmiga bayoolajiga kaligiis gaar u ah.
Waaba arin laga naxo oo khatar ah haddii aduunkaan kaligiitaliska caanka ku noqday ay dastuur iyo gole shacab go’aan ka gaari karilahaayeen asalka iyo faraca qof iyo ummad ay ku abtirsanayaan. Saa waxaaba suurtogal noqonkari lahaa golaha shacabka iyo dastuurku inay u codeeyaan inaan sannadka 2015ta noqono dad ay Filibiiniyiinta asal wadaagaan, 2020kana aan Kuubaan ahaano, 2030kana aan Iskiimooska qaraabo wadaagno halka 2050kana aan dalweynaha Shiinaha farac wadaagno.
Laakiin naxariista Ilaahay iyo fadligiisa dartood golaha shacabka iyo dastur midkoodna fursad umuu siin ay ku gaari karaan go’aanka noocaas ah. Ilaahayna wuu ku mahadsanyahay arintaas.
Sida aad ku andacoonayso haddii golaha shacabku iyo dastuurku ay isku dayeen inay arimahaas go’aan ka gaaranna hadde waa dad waxayna shaqo ku lahayn faraha la galay, lagana yeelimaaye waxaa la leeyahay waad khaldanteen, khaladkuna daliil ma noqdo.
Arinta Cushitic miyaan nahay waa muhiim, waayo waa daliilka ugu xoog badan oo muujinaya ciddaan nahay iyo sidaan qaraabada aan ulanahay dadka bariga afrika degan. Ninka mas’uulka ah oo inta xil lagu soo aaminay sida aad sheegtay u hadlay ama mas’uuliyaddii loo soo igmaday buu khiyaamay ama badeecadii loo soo dhiibay iyo dantii laga lahaa baa halaysnayd.
Siduu u dhaqmayna waxa kaliyoo ay cadayn u tahay waxa weeye fashilka isaga iyo nidaamkii soo diray, ee cadayn uma aha khalal ku jira jowharka mas’alada.
Xaqiiqada cilmiga ku salaysan
Muddanane waxaan kugu raacsanahay in qof kastoo wax qorayaa uu xaq u leeyahay in qoraalkiisa uu ku cabiro ra’yigiisa una ololeeyo inuu dadka waxuu jecelyahay ka dhaadhiciyo haddii uu balan qaado inuunan xadgudbin.
Xoriyyad qawlku waa waxyaabaha ugu qurxoon oo insaanka hantidiisa ka mid noqonkara, laakiin qaabka loo isticmaalayo xoriyyadaas maahan mid dabarfuran.
Tusaale ahaan qoraalkaaga waxaad ku tilmaami kartaa ra’yi. Markaas cid kugu qabsan karta been baad sheegtay ma jirto, sababtoo ah waxaad leedahay waa aragtidayda iyo siday aniga ila tahay. Waxaad kaloo ku tilmami kartaa qoraalkaaga dacaayad (propaganda) Ama ha noqoto mid siyaasadeed ama mid urur diimeed ama ganacsi, i w m. Hadafka ay doontaba ha yeelate waxaad tahay markaas nin shaqaysanaya oo raba inuu mashruuciisa dadka ka gado.
Waxaad kaloo noqon kartaa kaligi wadaad marokudheg ah, aan caqliga iyo akhbarta midna dhagaysane xaqqa uu qalbigiisu u sheego, oo waxa uu jecelyahay kaliya rumeeya. Oo markaas dadku way ku baranayaanoo isku daalinmayaan inay kula doodaan ama ay fikradooda kugu qanciyaan.
Laakiin markii aad qoraalkaaga ku tilmaanto xaqiiqo cilmi ah, arintaasi mushkilad kama madax banaana. Waxaa ku fuulaysa mas’uuliyad, oo waxuu ku qasbanyahay qoraalkaagu inuu buuxiyo sharuud iyo xeerar laysla ogyahay oo ay waajib tahay inaad ka soo dhalasho si qoraalkaagu u noqdo qoraal cilmiyaysan.
Waxaan jeclaan lahaa inaan isla fiirino bal in maqaalkaagu buuxiyay sharuudihii ka dhigi lahaa waxii ku qornaa xaqiiqo cilmi ah.
Intaanan marka horaba u gudbin qaabka aad xogta u soo ururisay, waxaa baadil ka dhigaya â€xaqiiqadaada†luuqadda iyo ereybixinta aad u isticmaashay xaqiiqo-raadintaada. Hal mar baad hal baxthi waxaad wada isticmaashay laba manhaj oo kala duwan si aad u gaarto hal natiijo. Dhinac waxaad ka isticmaashay mustalax ama ereybixin islaami ah sida ereyga ijmaacul-ummah. Waa erey asalkiisu ka yimid xadiiskii Anas Ibnu maalik uu kawariyay Nabiga scw macnahiisuna ahaa [ummadaydu baadil iskuma raaci doonto ee haddii aad khilaaf aragtaan waxaad aadaan inta badan meeshay aado]
Waa xadiis uu Sheekh albaani xasan ka dhigay. Ilaahay baa ku mahadsan xadiiskaas na soo gaarsiiyay, waana xadiis aad u macaan, faaiidooyin aad u tiro badana leh, runtiina aan aad u farxo markaan ama akhristo ama maqlo, waayo waa aalad cajiib ah oo ummaddeenu ku horumari lahayd haddii ay intay fahmaan ku dhaqmi lahaayeen.
Laakiin saad u isticmaashay sax mahan, waayo ummaddu waxay isku khilaafi kartaa oo inta badan meel isku raaci kartaa, adiguna aad ku qasbantahay inaad inta badan meeshay aado aad u raacdo waa masaailka ay banaan tahay in la isku khilaafo.
Matalan, haddii wadan ka mid ah wadamada muslimiinta dadka ku nool sawaadul-acdamkoodu ay isku raacaan in ay ka tagaan salaadda adiguna aad wadankaas ku sugantahay ma waxaad leedahay calaya bisawaad-alacdam? Maya ma oranaysid ee waxaad leedahay sawadal-acdam waa inxiraafeen ee waa in lala dagaalamo. Waxaa kaloo iyaduna la mid ah sawaad-alacdam iskuma khilaafi karo qof ama dadi cidda ay u dhasheen oo asalkoodu ka soo jeedo. Marka waxaan ku leenahay ijmaacul ummah daliil uma noqon karo carabnimada somaalida.
Kuu sallimimayno, laakiin haddii aan annagoo is yeelyeelayna oo xasarad doon ah ku oran lahayn ijmaacul-ummah daliil buu kuu noqon karaa, mushkulad kale ayaa ku haysata oo ah, sideed ku ogaatay adigu ra’yiga ummadda? Ma taqaanid qaab aad noogu sharaxdo saad ku ogaatay.
Aan u gudubno manhajka labaad oo aad isticmaashay. Waxaad tiri waxaan ku wareegay magaalooyinka Soomaaliya oo intaan meelaha dadku isugu tagaan sida masaajidyada aan tagay ayaan dadkii waraystay.
Waxaad rabto inaad tiraah waan sameeyay waxaa weeye manhajka cilmi baarista ee luuqadda carabiga lagu yiraahdo iyadoo aan xuruuf soomali ah ku qoray istiqsa’a ixsaai luuqada ingiriiskana lagu yiraahdo Statistical survey.
Waxaan ku leenahay waad ku mahadsantahay, waa dariiq fiican oo inta badan natiijo fiican si dhibyar loogu gaari karo, laakiin si natiijada loo aqbalo waa inaad manhajka shuruudihiisii iyo xeerarkiisii aad isticmaasho oo aad ixtiraamto.
Wuxuu leeyahay manhajkaani in ka badan afar shuruudood laakiin adigu afartaas shuruudood hal shardi oo ka mid ah ayaad ugu badnaan afar meelood oo meel halkaas shardi ka mid ah aad ka buuxisay, waana magaalooyinka aad soo tirisay oo runtii la oran karo waxay matali karaan Soomaliya oo dhan. Laakiin sharuudaha intii kale kamaad soo bixin saas darteedna natijaadada lama aqbali karo oo run maahan.
Shuruudihii inaan halkaan ku qoro muhiim maahan, haddaad taqaanna waad taqaan, haddii aadan aqoonna waxaad ka heli kartaa buugta manaahijta cilmi-baarista laga barto. Aan ka gudubno oo aan fiirino bal natiijooyinkaad gaartay.
Natiijada aad gaartay waatne bal u fiirso
â€Shacabka Soomaaliyeed dhalasho ahaan waa shacab carbeed oo waliba badankiisu ku abtirsado Quraysh waliba reer Banii Haashim ah. Tirada yar ee aan carabta ku abtirsana waxay walaalo kula yihiin islaamnimada, qaraabanimada (xidid iyo xigaalo), deegaanka, afka, taariikhda iyo masaalixdaba. Waxayna la wadaagaan walaalohood jacaylka iyo hirgalinta afka carabiga†[anigaa madoobeeyay].
Bal u fiirso warkaas, waa natiijo cad oo sariix ah oo aan geed loogu soo gaban, laakiin see ku gaartay natiijadaan?. See ku ogaatay arintu inay saas aad sheegayso tahay? Waxaad tiri waxaan ku ogaaday in somalidu ay carab yihiin waliba kuwa carabta ugu sartaysa oo Quraysh iyo reer Bini haashim yihiin laba arimood. Haye bal noo sheeg labada arimood baan ku niri. Waxaad tiri waxay kala yahiin, midda koobaad waxay tahay baad qortay
â€Waxyaabaha Soomaali isku wafaqsantahay waxaa ugu horreeya islaamnimada, ka dibna carabnimada. Wax dood iyo muran ahna kaga ma jiraan Soomaalida inay carabyihiin, sooyaalkoodii horena way ku caddahay arrintaas af ahaan iyo qoraal ahaanba.Waxaa kale oo sii xoojinaya ijmaaca shacbiga ah (isku raacsanaanta loo dhanyahay) ee ay xilligaan ku qabaan carabnimadooda. Waxaan arrintaan kaga hadlay goobo badan oo ku kala yaal magaalooyin kala duwan ee Soomaaliyeed, dadweynahana waxaan si cad u weydiiyey inay carabyihiin iyo in kale, jawaabtooduna waxay ahayd hal mid oo aysan isku khilaafin†[anaa madoobeeyay]
Waa hadal xoog badan, nin af-soomali ku filan yaqaanana uu qoray, laakiin waa khuraafaad inta la dhoodhoobay run loo ekaysiiyay oo la rabo ogaal iyo ogaal la’aanba in ummada jiritaankeeda iyo ciday tahay shaki looga abuuro, lagana dhigo midaan xasiloonayn. Bal u fiirso qusacbalaadkaas aad ku aqdaamatay Qoodhaa iyo xeradaa waxaasi dadka soomalida ah ma qabtan?, dadka maqaaladaada akhrista ma qabtaan? Waxaan kugu tuhmayaa inaadan na ixtiraamin oo aad caqligeena yastay li’anna haddii aad na ixtiraami lahayd waxaan sal iyo raad lahayn kuma dhiirateen inaad naga dhaadhiciso.
Soomaalidu inay islaamnimadda isku waafaqsantahay dood badani kama jiri karto, waanan kuu salimaynaa. Waayo waxaa taageeraya cadaymo tiro badan oo xoojinaya in arinku saas yahay. Waxaana ka mid ah in masajidyada lagu yaqaan dadka muslimiinta ah ay aad ugu badanyahiin wadanka, meel kastana ay ku yaalaan.
Dadka Soomaaliya ku nool oo lagu arko iyagoo ku tukanaya masaajidyada shanta salaadood oo islaamku faray muslimiinta, una tukanaya sidii uu islaamku u faray dadka muslimiinta ahi inay u tukadaan. Dumar tiro badan oo soomaali ah oo u labisan sida uu ilsaamku faray inay dumarka muslimiinta ahi u labistaan. Magacyada Soomaalidu la baxdo oo ay aad ugu badanyahiin magacyada asal ahaan ka soo jeeda islaamka.
Magaalooyinka soomaalida qofka tagaa wuxuu dareemayaa inuu joogo dhul muslim, mana dhacdo in lala kulmo dhismayaal ama waxyaabo kale oo ay isticmaalaan dad aan muslimiin ahayn ama lagu caabudo iLaah aan ahayn Allah, iyo weliba dadka aduunka ku nool iyo hay’daha dowliga ah oo u aqoonsan soomaalidu inay yahiin muslimiin. Waxyaabahaas oo dhan waxay qofka ku boorrinayaan inuu ku dhiirran karo in soomaalidu ay isku raacsanyahiin dadkuna u qiray inay muslimiin yahiin.
Laakiin wax cadaynaya inay carab yahiin maad sheegin, wax qoraal ah oo ay ku cadahay sooma aad raacin maqaalka, hadal qof yirina hadde ma banaana in la rumeeyo markii waxa la rabo in la ogaado ay yahiin xaqiiq, ilaa uu keeno sabab lagu qanci karo oo muujinaysa runnimada hadalkiisa.
Waxaan jeclaan lahaa inaan dib kuu dhadhansiiyo erayadii aad ku qortay maqaalkaaga waxaana ka mid ahaa †ay cadaatay, annu isla aragnay, ku midaysantahay, isla garanay, aduunku isku raacay ( yacni waxad ka wadaa dadka koonkaan ku nool oo dhan baa isku raacay oo hal mowqif ka istaagay), isla fahamnay, aanu shaki ku jirin. Ijmaaca shacabka.
Erayadaan xaqiiqda ka fog oo aad isticmaashay, si aad ummadda u baadiyayso waxaan ugu soo celiyay inaad denbi dareentid, oo aad ka soo noqotid, dadkana aad raali galin weydiisatid. Ka waran beri haddii Ilaahay ku weydiiyo oo uu ku yiraah maxaad dadkayga beenta ugu sheegtay, oo aad u bedeshay abuurkaygii, oo aad cajam carab uga dhigtay? Ilaahoow saasaan jeclaystay miyaad oranaysaa? Lagaa yeeli maayo saas.
Culimada soomaaliyeed kooxday doonaan ha ka tirsanaadeene lahum fadlun calaynaa. Ilaahay ka sokow haddii ayna iyaga iyo mu’asasaadkoodu ayna jiri lahayn Soomali waa hore ayay dhamaan lahayd. Ama ugu yaraan xerada dadka bini’aadamka ah ayaan ka bixi lahayn oo waxaan ku biiri lahayn xerada xayawaanka oo aan ka mid noqonlahayn. Laakiin dedaalkooda iyo kartidooda ayaan ku badbaadnay. Inkatoo ay saas tahay, haddana iyagana waxaan ka dalbanaynaa inay soo degaan oo ay nala sinmaan. Waa inay ogolaadaan in shiikhu uu yahay mihnad lagu shaqaysto oo uunan dadka fadli iyo caqli dheerayn. Inuu ogolaado in Shiikha, dakhtarka, imaamka masjidka, koronto-yaqaanka, macallinka, gabadha kalkaalisada ah iyo midka dhulka nadiifiyaa ay yahiin xirfado lagula soo baxo irzaaqda.
Waxa lagu kala fadli badan yahayna ay tahay taqwada iyo acmaasha. Arrintaasi waxay noo horseedaysaa inaan is dhegaysano, is ixtiraamno, kala faaiidaysano, caqliga dadka aad u khudbaynayso ama aad wax u qoraysana aad ku xisaabtanto inay dad isku jira ay yahiin, xaga cilmiga, xaga fahamka iyo ikhtilaafka aaraa’ada. Qof ama koox runta qandaraas ku haysataa ma jirto. Qof kasta warkiisa waana la maqli karaa waana la tuuri karaa hadduuna sax ahayn. Ummadaas baan nahay rabta inay horay u socoto, qof kasta waa loo baahanyahay, waana laga faaiidaysanayaa aqoontiisa iyo khibraddiisa, waana lagu weynaynayaa oo lagu ixtiraamayaa. Aqoon aqoon ka fadli badanna ma jirto, qofkasta wanaaga aqoontiisu waxay ku xiran tahay niyaddiisa, acmaashana Ilaahay baa xisaaba.
Mudane raali iga ahow, waxaan ka cudur daaranayaa inaan maqaalka dheereyay oo aan hadalkii badiyay. Waxaan rajaynayaa inaad ii dulqaadatay, anna waxaan kuu ballan qaadayaa ixtiraam iyo ikhlaas. Waxaanse ku soo gabo gabaynayaa qoraalkayga inay waajib tahay in qof kastoo soomali ah inuu ka doodo diidana in been taariikh looga dhigo iyo inuu qof sheegasho ah noqdo.
Hadda soomalidu way waalantahaye, haddaan miyir qabi lahayn, maqaalkaagii aad asaadirtii hore ka buuxisay waxuu dhalin lahaa buuq weyn iyo dood, adigana waxaa lagu soo taagi lahaa maxkamad laga yaabi lahaa inay kugu xukunto inaad gashay faldiambiyeedka burdcad-dhaqameed, khiyaano qaran iyo majara habaabin taariikh ummaddeed. Xukunkaasina wuxuu ahaan lahaa mid xaqq ah oo munaasib ku ah fal-danbiyeedkaas.
N.B:-Fekerkan kama Tarjumayo Bartamaha Media balse waxa uu u gaar yahay Qoraha.
Mubaarak Xoosh Gaashaan
Hadal waxaa u khayr badan, kan kooban oo mutidana kooba.
Hadalkaagu waa dheer yahay,qoraagaan ula jeedaaye, wax macna badanna
ma kulminayo.
Soomalida dagaal baa lagula jiraa waqtigakan, kaasoo la doonaayo in
Jinsiga somaliga lagu tirtiro.
dagaalada lagula jiro umadda somaalida waa kuwa fara badan,mid dab
lagula dagaalo, mid lagu kala qaybiyo (Qabyaalad iyo gobolaysi),
mid siyaasi ah oo lagaga dhaadhicinayo inaysan Somalida xal iyaga
waligood u heli karin mashaakilkooda ilamaa in dibadda laga hago mooyee,
iyo mid kaloo Nafsi ah oo aad uga wayn kuwaas oo dhan.
Dagaalka nafsiga ah waxaa ka mid ah kan aan hadda falanqaynayno, kaasoo
ah in SHAKI WAYN la galiyo Dadnimada iyo jiritaanka jinsiga soomaliyeed.
In Soomalida loo diido inay dad carab ah yihiin ma aha wax cusub, waa soo jireen,
maantase waaba ka sii xag jirtaa oo heer saray maraysaa, sababtuna qorshaha
jiraa wuxuu yahay in Somaliya laba loo qaybiyo oo nus Itoobiya la raaciyo,nusna
Kenya, labadaas qaybood oo maamul iska ramzi ah yeelan doona laakiin awoodda
runta ah ay East Africa state waxa loogu magac darray uu lahaan doono, afka Sawaxilligana
lagu baddali doono kan somaliga, mar haddii qawmiyadda sawaaxiliga inaga badan tahay.
Soomali ma acarrab baa ma aha su’aal sax ah.
Su’aashu waa inay noqotaa Somaliyi yay ka asal qabtaa??
Su’aashaa jawaabteedu waa mid sahal ah, oo cid walbaa way ogtahay meeshay ka
asal qabto cid moogna ma jirto, ileen dadku dhagax ma ahee,dadkaloo ka horeeyay
oo dhalay baa jiree.
Somaliya dadka daganaa maanta waxay ka yimaadeen Sametic iyo Kushetic origins.
labadaas usuulba somalida way ka asal qabtaa.
Qaar somalida carrab bay ka asal qabtaa, oo dad badan oo af carabiga ku hadla
sida kuwa qoraagu sheegay ayay qaar somalida dhiig ahaan ka carabsan yihiin.
Qaar kaloo somaalida ka mid ahna waxay ka asal qabaan jinsiga Kushetiga ah.
Kollay labada qolo kaad ka asal qabto aqriyoow adba waad ogtahay oo oday baa ku dhallay
asna oday kalaa sii dhallay iyo odayaal kaloo badan .
Marka ninna ma waydiinaysid jinsigaada ee adigaa u sheegaya kaan ku garanayn.
Duli Duli dhalay waaye ninka Somali ah oo sanaadkan la jooga laso tagan carab baan ahay. Somalida waxey ku mahmahdaa “Ninka rabtida inaad kabo katolatid, kabihiisa la fiiriyaa” Aheey, Hadaa rabtid carab inaad noqotid, adigoo african ah, Bal wiidii ninka carabka siduu ku arko. Carabka adoon baa u tahay.
Wan fahmi karaa dadkii carab ay iska dhashay, oo ama hoyadiis ama abihiis carab u yahay qofkas waa DNA carab ah ayuu qeeb ka wataa. Laakin adigo African awooga iyo awoogiis ahaa, markad laxjecleysi ka gasho carab baan ahay, Waxaa tahay nin nasabkiisa ka cararay. NInkaas waxaa lo yaqaaan Midgaan midgaan dhalay.
Soomaalida aan ka hadlayno, ma Soomaalidii shaley baa mise Soomaalida maanta? Waxaa laga yaabaa in waayaha, waqtiga iyo dadkuba is beddeleene bal horta waqti noo qabta.
as/c walaleyaal aqristeyaal su asha saxa caydana daya ninwaliba waxa uu yahay rabi aya kadhigay anagu somali ayan nahay umad dhan oo wax walbaale ah ayan anahay noogu daaya intaas carab iyo cajab wax wax nootaraya majirane meel cidla yan lagu kala dhimane
soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada oo hadba kiina taagdaran taageera waligiineeey,
@caynaba marka hore waan ku salaamayaa , commentigaagana aad buu ii cajabiyeey oo hadalkaan dhihi lahaa adaaba waadna ku mahadsan yahay waxaana rajaynayaa in lahili dona dad badan oo kula fikrad …….. horaa loo yiri hadal badan haan mabuuxiyo oo marabo in aan ku dheraado hadalka, asc
Tan kale walaal,..
MA AHAN baad qortay !!.
Waxaasi Af-Somali MA AHA.
Horta bal Af-Soomaaliga si fiican u baro intaadan usuusha Somalida ka hadal.^^