SOOMAALIDA KU NOOL HOLLAND OO DAYACAN, MAXAY TAHAY SABABTA?

Posted on Oct 14 2010 - 10:46pm by News Desk
Tweet
Pin It

Dhaxalkii burburkii soomaaliya waxaa kamida in kumanaan qooysas soomaaliya ay  kula firdhaan Qaaradaha addunka oo ay ka mid tahay Qaarada yurub, kala cararka waagaa dhacayka sokoow  dad badan ayaa aaminsan in laga faa’idaystey ku kala noolaashaha soomaalida ay kula noolyihiin Qaardaha aduunka.

 

Horumarka iyo faaiidada laga helay in lala noolaado Dad ajanabiya oo diima kala duwan haysta waxaa ka mida: wax barashada, ilbaxnimada,isdhexgalka bulshada,isu soo dhawaasha iyo isweydaarsiga figradaha kala duwan oo ay soomaalida hore ulahayn in wax la is dhaafsado.

 

Laakiin aragtida nuucaasiya waxaa ka horyimid dadkale oo qaba in Soomaalida kunool dibadaha ay iska ilaabeen dhaqankii Soomaalidu lahayd, qasaaraha ugu weeyn ayaa waxaa   ku dhacay  qoysaska sida waalidiintaka,caruurta iyo xaasaska, waxaa kaloo muhiima iyadana kudhaqanka Diinta Islaamka oo laga dayrinayo dadka qurba jooga.

 

Haddii aan kasoo gudubno doodahaasi kala duwaxan,waxaan doonayaa in aan qormadeeyda uga hadlo soomaalida ku dhaqan wadanka Holland.

 

Wadanka holland waxa uu ka mid yahay wadama ay soomaalida usoo barakeceen waxaan alaga helayaa dad  soogaley 30sano ka hor,balse markaad eegto nidaamka qaabilaada wadanka wuu ka duwan yahay wadamada kale ee yurub.

 

Holland waa dal ka hooseeya biyaha(nederland),dadka  udhashey wadankana wax ay ku faanan in nederland ay iyagu sameeyeyeen maadaama dhulku uu ahaa meel biyo fadheena.

Intaa kaliya maaha dadka hollandeeskaa waxay nolal horumarleh ka abureen dhulkooban oo marka la barbardhigo intuu doono sweden ka yaraan karo ama wadama badan oo yuruba.

 

Markii aan Soomaaliya joogey waxa aan arki jirey gasac ay ku sawiran tahay lo(caw) oo loo yaqaano caana boore,balse markii aan imaadey holland waxaan la kulmey lo dii oo socta ama wadanka holland oo caan ku ah lo da,waxana loo yaqaana caana leyda.

 

 

Holland waxay caan ku tahay caanaha iyo fiyooraha,waxaasoo dhan waxaa ka sii muhiimsan oo ay caana ku tahay Rootiga is mariska oo qof walba oo nederland ah daraja kasto ha la haadee ay qasab ku tahay in uu cuno, waana wax qaali  ku ah dadka nederlandeeska.

 

Waxaa  laga yaabaa in aad la yaabto qiimaha baaskiilka uu joogo marka loo eego Dalkan,waxaad arkeysaa Ra’iisal wasaaraha wadanka oo baaskiil wata ama lagu leeyhay wuu kaxaystaa waana wax ugu qiimaha badan ee wadanka laga isticmaalo sidoo kalena waxa uu qaarkiis ka qaalisan yahay gawaarida.

 Baaskiil

Soomaalida ku dhaqan wadankan aad ayeey u badan yihiin in kastoo dadkii 10ka hor soogaley ay intooda badani ay ka guureen balse wali waxaa ku nool dad aad u fara badan oo soomaaliya oo qaarkood sanadahaan soo galeen walina ay ku soo socdaan.

 

Laakiin arinta uugu nasiibka daran waxay tahay Soomaalida oo noqdey dad wax ma tarayaala ama lagu tilmaamo dad lagu qasaarey wixii lagaliyey ee dadaal ahaa, waxyaabaha ay ku liitaan waxaa ka mida:wax barashada,shaqooyinka iyo barbaarinta ubadkooda.

 

Marka la fiiriyo ajaanibta kale ee wadanka ku nool oo ah dad aad u shaqeeysta isla markaana wax barta kuna dadaala ubadkooda,dadka Soomaaliyeed waxa ay noqdeen kuwa uugu badan ee qaata lacagta loo yaqaano CAYRTA(sadaqo).

 

Ayaan darada umada Soomaaliyeed haysata waxaa ka mida, warbixinada wadanka kasoobaxa oo lagu sheegey dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadankan in ay yihiin dadka ugu hooseeya ama ugu faa iidada daran.

 

Hadaba umada Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa maadaama aan nahay dad dalkoogii dhibaato ku habsatey hase niyad fiican u leh in mar uun ka bixi doono dhibaatada in ay ka faa’ideystaan fursadaha Soomaraya oo ay ka mid tahay soo dhaweynta dadka aan la noolnahay si bari ay wadankooda wax fiican uula noqdaan bulshada ay la noolyihiina wax ku soo kordhiyaan.

 Bilan2

 waxaa Qortay

Bilan Suman