Bartamaha (Nairobi):- wararka ka imana dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in ugu yaraan 5 ganacsato Soomaali ah dil loogu geestay magaaladda Port Elizabeth.
5 qofood ee lagu dilay Port Elizabeth ayaa waxaa ku jira Aabe iyo Wiil uu dhalay oo ay burcad u dhalatay dalka Koonfur Africa ku dileen ayna ku dhaceen halkas, dhan kale 4 ka mid ah 5 qofood ayaa lagu dilay halkoob sida ay sheegaan wararka imanaya halkaas.
Booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta ay dilalkan ka dhaceen ayaanay u suurogelin inay gacanta ku dhigaan kooxaha dilalkaas geystay, waxayna booliisku sawirro ka qaadeen dukaammadii lagu dilay ganacsatada.
“Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana si saf ballaaran ah loogu qaaday dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah, waxaana dhintay 5-qof oo afar ka mid ah lagu dilay hal goob” ayuu yiri ganacsade Soomaali ah oo ku nool Dalkaas.
Ganacsadahan ayaa sheegay in dilalkan uu cabsi iyo qalqal weyn ku abuuray ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka dilalku ka dhaceen iyo kuwa ku dhowdhow, halkaasoo Soomaalidu ay ku haysato ganacsiyo fara badan.
“Ciidamada Booliisku waxay bilaabeen inay su’aalo weydiiyaan ganacsatada kale, sida inay yaqaannaan kooxaha dilalka geystay, balse ma jirto cid loo qabtay dilalka” ayuu yiri Ganacsadahan oo sheegay in falkaan uu ahaa kii ugu naxdinta badnayd ee uu la kulmo abid.
Weerarrada lagu qaado goobaha ganacsiga ee Soomaalidu ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa soo kordhaya iyadoo todobaadyadii soo dhaafay lagu dilay dalkaas ganacsato badan oo Soomaali ah.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo Soomaali lagu dilo dalka Koonfur Africa iyadoo dhawaan la furo in dalkaasi Koonfur Africa ay ka furmaan ciyaaraha Koobka aduunka.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi,Kenya