Bartamaha (Hargaysa):- Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan midaynayaan dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta ee ka shaqeeya Deegaanada Somaliland .
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Soomaaliland ayaa daaha ka qaaday in ay dhawaan Hal shirkad ka dhigi doonto shirkadaha dhinaca isgaarsiinta Telfonada ka shaqeeya ee ka furan deegaanada kala duwan ee Maamulka Somaliland.
Wasiirka oo shir shalay la qaatay masuuliyiinta shirkadaha ka jira Somaliland ayaa waxa uu ka dalbaday in ay midnimo yeeshaan oo ay Hal shirkad magaceeda soo doortaan si adeeg qura dadka loogu qabto.
Wasiirka waxa uu shirkadaha cadaadis muuqda ku saray in ay ka soo fakaraan sida ay u soo dooran lahaayeen magaca hal shirkad si dhammaan qalabka shirkadaha loo mideeyo oo hormarin loogu sameeyo shaqada Isgaarsiinta ee bulshada.
Shirkadaha ayaa haatan lagu wadaa in ay go’aan ka qaataan dalabka wasaarada Isgaarsiinta soomaaliland ka soo yeeray kaasi oo dhabar jab ganacsi ku noqonaya Milkiilayaasha shirakado sanado badan ka dhisnaa dhulka somaliland.
Lama garan karo sida ay u aqbali doonaan dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee ka dhisan deegaanada Somaliland oo amarkan uu samayn ku wada yeelanayo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.