Somali Revolution Forum oo Deeqo Gar-gaar Ka Qaybiyay Isbitaal Banaadir iyo Xeryaha dadka Barakacayaaha ay daganyihiin Muqdisho

Posted on Aug 11 2011 - 12:25pm by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

b(Muqdisho Soomaaliya):- Golaha Isbdalka Somalia ayaa shaley Arbacadii waxa ay magaaladda muqdisho ka qaybiyeen deeqogaar oo urka kuwaas oo ku dhaqan mid wadanka gudihiisa iyo dibadiisa,

32Abuukar Jamhuuri oo ka mid ah xubaha ugu cadcad Somali Revolution Forum oo deeqdan loo soo wakiishay ayaa waxa uu sheegay  ii sheegay in ay qaybiyaan lacago cadaan ah iyo karfanta la galiyo qofka marka uu dhinto.

Waxa aan ka mid ah koox wariyaal ah oo ka qayb galay deeqaha ay qaybinaayeen Golaha Isbadalka Soomaaliyeed , Ugu horren waxa aanu tagnay xero  ku taalo degmadda waabari ee magaaladda muqdisho oo ay ku nool yihiin qoosas u badan barakacayaal kuwaas oo soo gaaray dhawaan xeradda ka dib markii ay ka soo carareen abaarta ka taagan gobaladda dalka oo ay ku soo waayeen hantidoodii ugu muhiimsaneeyd oo ay ku jiraan Xoolihii iyo beero ay la haayeen.

Xeradda markii an galnay annaga iyo xubninii Golaha Ibadaldoonka Soomaaliyed waxa aan ku aragnay xaalad aad Qatar u ah, waxa ka jirtay xeradda daryeelid la’aan xag kato ah.

Maamulka Xeradda ayaa ugu warbixiyay kooxda ka socda Somali Revolution Forum dhibaatooyinka ugu daran ee ka jirta xeradda? , waxa ay inoo sheegeen ugu horren in deeqaha magaaladda la keeno aan waxbo la soo gaarsiin.

Waxa kaloo ay inoo sheegeen in dhibaatadda ugu weyn ee xaradda ka taagan ay tahay in aanay jirin wax loo galiyo tusaale qofka marka uu dhinto.

Kooxdii Somali Revolution Forum ayaa durba waxa soo bixiyeen Afartan Wat oo karfanta nooca qaaliga ah.

Mid ka mid ah Haweenka Xeradda  ku nool ayaa tiri “Waxa keenteen wixii ugu wanaaganaa ee xeradda abid la keeno maxaa yeelay Aabahay waxa uu ahaa Macalin dugusi isaga ayaa goyn jiray karfanta marka ma arkin karfan noocaa ah”.

Ugu dambeentii Maamulka Xeradda ayaa uga mahad celiyay Golaha Isbdalka Soomaaliya deeqda ay soo gaarsiiyeen, waxana alle ay uga baryeen kuwii soo dhiibay iyo ku soo qaaday in uu meel kale oo ka khayr badan uu ka siiyo”.

Dhinaca kale,  Arbacadii shaley oo taarikhdu ay ahayd 10-ka Ramadaan  halka 10-ka bisha August  2011ay ku beegneed ayaa  Golaha Isbdalka Soomaaliya waxa  kaloo ay deeq lacag iyo karfata dadka dhinta loo galiyo ay geeyeen Isbitaalka Hooyadda iyo Dhalaanka Banaadire ee magaaladda Muqdisho,

Isbitaalka oo ay hadda jiifan bukaano u badan qoosas ka soo cararay abaarta ka taagan gobaladda dalka ayaa ugu horren waxa noo xogwaramay maamulka Isbitaalka.

Dr. Luul Maxamed Maxamuud oo ah madaxa caafimaadka qaybta caruurta Isbitaal Banaadir ayaa waxa ay sharaxaad ka siiyay kooxda Golaha Isbdalka Soomaaliya xaaladda isbitaalka wax yaabaha ugu daran marka laga yimaado dawadda isbitaalka ee hadda kaatan?

Waxa ay tiri “Buukadda Isbitaalka ku jira waxa ay u badan yihiin kuwa  barakacayaal ah oo ka yimid gobaladda dalka, tii oo ay jito haddana ma heestaan wax hanti ah,qaar kood weelasha wax lagu cuno ma wataan, waxa kaloo aysan heesan lacago xittaa ay ku gataan marka qof kaga dhinto isbitaalka, waa dhibaatadda ugu weyn ee aragno” Ayee tiri: Dr. Luul

Intii aan joognay Isbitaalka Shaley waxa ku dhintay in ka badan 4-qof oo dhamaan u geeriyooday Nafaqo daro “Mal-Nutrition” 

Waxa kaloo ay tiri “Waxa loo baahan yahay lacago la siiyo marka ay isbitaalka ka baxayaan, qaar kood waa ay lugeeyaan iyagoo aysan dad ka horreen meesha ay u socdaan”.

Si kastaba, waxa isla markii nalugu wareejiyay isbitaalka markii la soo koobay tiradda dadka la siin karo.

Markii ay u dhaqaaqnay meelaha ay jiifaan bukuukanadda ,Bukaanadda aan aragnay waxa ku jira axa qoos ka koobn ilaa todobo oo marka laga reebo abaaha iyo hooyadda ilmihii kale ay soo riteen xalaad macluul ama nafaqo daro waxa ay ku jireen Teendho ka dhisan banaanka hore dhinac qorax u dhac isbitaalka iyaga ayaa laga bilaabay deeqda lacagta .

Aabaha ayaa si gooni waxa uu iigu sheegay in ay ka soo barakaceen degmadda Mahadaay ee gobalka shabeelaha dhexe, ka dib markii xoolihii iyo wixii hanti kale oo uu heestay ay xaalufiyeen abaarta.

Waxa  kaloo uu sheegay Abahaas isga iyo iyo hoyadda iyo gabar gashaanti ah in ay la joogaan ilmaha, magaaladana aysan qaraabo kale aysan ku lahayn dadka ka garaneynin.

“Illahay ayaa isiiyay kuwan iyaga ayaa Hanti iyo Xoollo aan  maanta ka heestaa” Ayuu yiri Aabaha Qooska.

Lacagta la bixiyay ayaa waxa ay gaareysay ilaa 19 Million iyo 4

500 Shso  Waxa qooskii ama sariirtii bukaan jiifa ay ku soo aaday min 100,000 Shso.

Qoosaska aan ku arkay waxa ka mid ah Hooyo ii sheegtay In seddax caruur ah oo ay dhashay oo dhamaan uu soo ritay cudurka shubanka, kuwaas oo shaley la jiifiyay isbitaalka, waxana ay tiri “Waxa aan ka imid ceelasha biyaha halkan ayaan keenay cid iimaqan ma lahan oo Illah ah, Ilmaha aabahood waa uu dhintay, qof kale oo wax I siinaayo majiro kali geey ayaan halkan ku ahay”.

Intii aan halkaas joognay waxa aan ku aragnay ilmo yer oo mataano ah, kuwaas oo jirra afar bilood, hooyadood oo ii sheekeysa ayaa ii iiga warbixay labada wiil ee dhashay, mid iyadda ayaa heesay midka kale matanaha waxa uu saarnaa sariir aan meesha ka fogeyn, waxa ay itiri “ Waa afar bil willi hilibkooda iyo dhiigood ma soo buuxsamin, siddan ayaan ku dhalay.”ayay tiri Hooyo Xaawo Maxmed Xuseen.

Siddoo kale intii aan halkaas joognay waxa aan daqiiqadba daqiiqada xigta soo gaarayay isbitaalka bukaano cusub, kuwaas oo u badan ilmo laxambaarsan yahay oo ay ka muuqato nafaqo daro baahsan.

Waxa ka mid ahayd hooyo ii sheegtay in ay ka timid degmadda qoryooleey ee gobalka shabeelaha hoose waxa ay sidda ilmo dhoor bilood jira oo shuban uu ka dhacay, mid kale oo la sido oo macluul ay heeso iyi wiil fanaanad mooyee aan wax kale gashneen oo isna xuun uu hayo, isla markii ayaa daryeel caafimaad loo gudbiyay

Mid ka mid ah howlwadeenadda isbitaalka oo ka shaqeeya qaybta bukaan eektadda ayaa ii sheegay maalintii in isbitaalka ay soo gaaraan celcelis 50-ruux.

Isku soo duub, isbitaalka intii aan joonay waxa joogay dhaqaatiir iyo howlwadeeno xagga caafimaadka oo ajinabi ah iyo wariyaal ka socda caalamka kuwaas oo u socday in ay arkaan xaaladda isbitaalk.

Isbitaalka waxa hadda ka socda howlo ballaran, ka sa kow baahidda meesha taala oo aan la dabooli Karin haddana shaqaalaha waxa ay hayaan shaqo adag oo maalin iyo habeen ah.

Tusaale waxa iigu filan markii aan weennay Dr. Luul in ka badan 8-saacadood oo aan joognay xafkiida.intaas waxa ay ku jirtay wafdi qaabilid iyo meel geeyn iyo howlo baaritaano caafimaad.

Si kastaba, Isbitaalka Banaadir iyo bukaanadda ku jira waxa u baahan yihiin gargaar badan.

W/D: Maxamedkafi Cali Muumin

Freelance Journalist Mogadishu Somalia

Tell: 00252615517805