Sirdoonka Dalka Soomaaliya oo muujiyay qatarta argagixisada Soomalaiya joogto.

Posted on Sep 18 2010 - 8:34am by News Desk
Tweet
Pin It

villa-somalia Bartamaha (Muqdisho):-Sirdoonka Dalka Soomaaliya ayaa ka digay qatara badan oo ay soo wadaan kooxda argagixisada laga dhigay ee joogta Dalka Soomaaliya.

Sirdoonka dowladda KMG Soomaaliya ayaa soo bandhigay cabsi xopogan oo la qabo iyo qorshayaal argagixsada ay ka maleegayaan gudaha Dalka Soomaaliya oo hadda ay ku xoogan yihiin.

Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Gen.Maxamed Sheekh Xuseen oo u waramayay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu jeediyay baaq tilmaamaya wax ka qabashada xaalada soomaaliya oo ay alqaacida ku sii balaaranayso.

Taliyaha waxa uu cadeeyay in argagixisada ay qorsheynayaan in qal qal badan ay galiyaan wadamada geeska Afrika oo ay doonayaan in ay qaraxyo iyo rabashado kale ka maleegaan.

Taliyaha waxa uu beesha Caalamka ugu baaqay in ay baajiyaan qatarta muuqata oo ay wadaan Xoogaga Al-qaacida ee dalka Soomaaliya waxaana uu xusay in dhibaata badan ay abuurayaan.

Taliye Max’ed Sheekh Xuseen taliyaha sirdoonka dowladda KMG waxa uu sheegay in arinta Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dad ajaanib ah oo dalalka caalamka ka soo dagaal galay hadana ay doonayaan in ay Afrika gubaan.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya bxilli Soomaaliya xaaladeeda ay aad isku sii badalaysay sanadihii u danbeeyay waxaana sii xoogaysanaya xoogaga Alshabaab oo toos Al-qaacida u hoos taga.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]