Bartamaha(Kismayo):- Maamulka islamiga ah ee gacanta ku haayo magalada kismaayo ee xarunta Gobbalka Jubbada Hoose ayaa waxa uu maanta gudaha magalada kismaayo uu ku soo gaba gabeeyay siminaar uu uqabtay 65-odayal dhaqameed kuwasoo kasocday beelaha dega Gobbalada jubbooyinka ee ku sugan gudaha magalada kismaayo.
Siminaarkan ayaa waxaa ka qayb qadanayay 65 odayaal dhaqameed kuwaaso dhamaantood ka socday beelaha daga gobbalada jubboyinka waa sida ay sheegeen mas’uulyiinta maamulka kismayo,waxaana odayaal dhaqameedka siminaarkaasi lagu barayay casharo kala duwan gaar ahaan barashada sharecada islaamka
Mas”uulyiin farabadan oo ka tirsan maamulka islaamiga ah ayaa kasoo qayb gashay xafladi lagu soo afjarayay siminaarkaasi oo soconayay mudo dhan todobaad
Waxaan ugu horayntii halkaasi ka hadlay madaxa warfaafina mamulka kismayo ”Sheeq Xassan yacquub”oo odayasha ku booriyay inay qaatan ku dhaqanka shareecada islaamka islamarkaasina ay hal dhinac ooga soo wada horjeesdaan qabiil kii isku daya inuu qal qal galiyo ku dhaqanka shareecda islaamka ee haatan ka jira Gobbalada Jubbooyinka ayuu ”yiri’Sheeq Xassan Yacquub”
Sidoo kale waxaa xafladaasi lagus oo gaba gabeenayay siminarka uu maamullka u qabtay beelaha dega gobbalka jubbada hoose ee ku sugan gudaha magaalada kismaayo odayaal dhaqameed aad u fara badan kuwaasoo iyagna ku riyaaqay in la taageero wax uu rabo mamaulka kismaayo,waxana ay odayaashu sheegeen inay tageersanyihin ayna taageeri doonan maamulka ka jira Magalada kismaayo
Si kastaba ha ahaatee Ma ahana markii ugu horeaysay oo uu maamulka islamaiga ah ee hoostaga xara katul shabbabul mujaahidiin ee ka arimiya magalada kismayo uu siminaar noocaan oo kala ah uu u qabto,waxana uu mamaulka qabtay dhowr siminaar oo kan ka horeeyay kuwaasoo uu maamulka ku soo jiidanayo kalsoonida odayaasha dhaqanka ee reer kismaayo
Â
Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com
Kismayo-Somalia