Sidee ku noqon kartaa qof doodiisu lagu qanco ?

Posted on Apr 2 2010 - 9:19am by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

Afkaartu waa midi laba af leh loona adeegsado in umad loogu adeego waxii kheer ah ama lagu dudumiyo umad dhan si ka khatar badan hubka uu cadoowga wato.
sidaa darteed waxaa lagaaga baahanyahay in aad hagaajiso qaabka aad afkaartaada u soo gudbineeyso si eey ugaarto dadka kaa soo horjoodo ,markastoo xirfad kugu filan uyeelato niqaashka iyo doodaha waa markastoo aad awoodo in aad ku qanciso dadka fikirkaada.
hadaba akhristoo waxaan kuu hayaa xoogaa xirfado ah oo kugu kaalmeynayo in eey doodaada noqoto mid xirfadeeysan dadkana soo jiidato, waxaana ka mid ah

1-waa in aad aqoon ulahaato mooduuca aad ka doodeyso : aqoon in aad ulahaato mooduuca aad ka doodeeyso waxeey qeyb weyn ka qaadataa in eey guuleysato doodaada , fikirka shakhsiga ee aan laga sii fiirsan aana loo tiirineyn cilmi ama daliil cad waxeey keentaa in eey ku dheesho dooda, sidaa daraadeed adigoo ixtiraamayo naftaada waxaa lagaa rabaa in aad aqoon dheer uleedahay fikir walbo ood soo bandhigeeyso ,ogaatana infikirkaada khalad iyo saxba ka suurto gasho ,
ha ahaato sheekadaada xaqaaiq dhab ah adigoo tusaaleynaayo si eey ugaarto fikirkaada dadka aad rabto in eey gaarto

2-in aad kala dhigdhigto fikirkaada :taasi oo micnaheedu yahay in aad ka dhigto fikirka aad soo gudbineeyso mid macquul ah lajacelyahay soo jiidasho leh dadkana qancinayo taasina waxaa kugu kaalmeyn karo aqoonta wanaagsan eed uleedahay mooduuca aad rabto in aad ka doodo, afkaarta marka hore ku falanqeey maskaxda kuna kala dhigdhig ka dib bilaaw in aad ka doodo ama aad qorto.

3-in aad xooga saarto hal fikir ama hal mooduuc : taasi micnaheedu waa in aad isku furin boqolaal fikir ama mooduuc hal waqti gudahood ,markastoo soo bandhigto hal mooduuc ama fikir waqtigii ku haboonaana soo bandhigto waxaad tahay qof awoodo dadka kale in uu ku qanciyo fikirkiisa ama mooduuciisa.

4-in aad sii dhugato mustawaha aqooneed ama caqli ee dadka aad la hadleeysid : khaladaadka dhici karo waxaa ka mid ah ayadoo aan la eegayn mustawaha aqooneed ama caqli eey kala joogaan labada ruux ee wada doodayo taasi oo ka dhigeeyso dooda mid lagu daalo natiijo la,aana noqoto doodaasi waxaa lagu magacaabaa ( iskahadal )

5- in uu cadeeyo ujeedkiisa : markasto eey ahaato ujeedka dooda mid ucad labada doodeyso doodaasi waxeey noqotaa mid wax ku ool ah soo bandhigeedana taargad laga leeyahay.
sidaa daraadeeda waa in aad ku soo koobtaa hadafka doodaada qodobadaan .
- waa in aad ku dheeraan wax aan faa`ido ku jirin
- waa in aad dabaalan wax baadhil ah
- waa in aad iska ilaaliso wax yaalaha khilaafka ah
marka dooda hadafkeeda waa in uu noqdo hadaf cad oo xadidan waxaa kaloo laga maarmaan ah labada qof ee doodeyso mooduuca si qoto dheer ugada galaan ee korka lee ku meer meeraysan taasi oo keeneyso in uu waqti ku lumo dadaalkiina uu beelaho natiijadii ladoonayayna lagaari waayo

6-in la isdhageeysto : si wanaagsan oo wax loo dhageeysto waxaa lagu tiriyaa xirfadaha oogu muhiimsan ee la iska rabo si aad ooga qeeb qaadato dood wanaagsan oo wax tar leh , waxaa laga maar maan ah si wanaagsan in aad u dhageeysato wax kasto oo ladhaho , waxaa yeelay badanaa isfahan darada ka dhaxdhaco doodaha dhaxdooda waxaa asal u ah sifiican warka loo dhageeysan ama loo akhrin marka xirfada aad uleedahay doodaha weey hagaagi kartaa ama weey xumaan kartaa ayadoo lagu saleeynayo qaabka aad wax u dhageeysato ama wax u akhriso.
dhug uyeelayasho warku waa xirfad taasi oo mudan in aan isku tababarno. si aan uhelno fursado badan een ku fahamno ujeedka hadalka laga leeyahay ,laakiin qof in aad hadalka ku jarto sheegatona in aad fahansantahay waxa uu kawado warka taasi waa nooc kado ah oo keenayso in eey fashilanto dooda. isku day qofka aad la doodeyso in aad carada ka nuugto si uu unoqdo dhageeysto wanaagsan,
ma ogtahay akhristoo sababta eey caruurto dhagoolnimada ku dhashtay eey u hadleyn ? maxaayeelay waligoodba wax ma maqlin maxaayeelay maqalka ayaa ka horeeya hadalka markuu wax maqlo ayuu hadlaa ,sidaas daraateed waxaa laga maar maan ah in aad noqoto dhageysto wacan si aad unoqoto codkar xikmad badan, waxaa yeelay ninka codkarka xikmada badan ah asalkiisa waxuu ahaa nin si fiican wax u dhugto,
si aad unoqoto qof muhiim noqo qof dadka ihtimaamsiiya dhageystana.
faa`iidooyinka laga hello dadka oo sifiican loodhageysto waxaa ka mid ah
- waxaa kuu furmaayo albaab wanaagsan ood ka hesho macluumaad khibrado iyo xaqaaiqyo badan
- waxaad ka heli qofka aad la doodeysid ixtiraam iyo ihtihaam badan
- waxeey kugu kaalmeyn in aad sifiican u fahanto qofka aad la doodeyso
- waxeey meesha ka saari isfahan daradii dhici laheed hadaad sifiican udhageeysan
xirfadaha dhugashada wax tarka leh
- ufiiri qofka kula sheekeysanayo si dareen leh una muuji ihtimaamka aad u heeyso hadaladiisa
- u istaag in aad su`aalo weeydiiso si aad udareensiiso in aad lasocoto hadalkiisa
- haka kalajarin hadalka inta uu wato
- adeegso hadalo gaagaaban adigoo muujinaayo aragtida aad rabto in aad gaarsiiso qofka kula
doodayo
- adeegso xirfadaha qaar ee keeneeyso in lagu qadariyo sida waan ku fahmay waan kugu
waafaqsanahay
- sifiican oola soco qofka kula doodayo hadalkiisa hana ka mashquulin
- xukun haku ridin inta uu ka soo dhameeys tirayo hadalkiisa
- qofka kula doodayo ma`ahee qof kale ha ujawaabin
- fadhiiso meel u dhaw qofka aad la doodeyso
- ahaaw qof aan ad adkeeyn marka aad dhiibani fikirkaada

7- luqada wadahalka : in aad doorato kalimada wanaagsan waxeey ka midtahay waxyaalaha oogu muhiimsan ee keeno in eey doodo guuleeysato, waxaa kaloo tiirarka dooda oogu muhiimsan kamid ah si wanaagsan ood wax u cabirto faseexana aad ku darto si wanaagsan wax ucadeeyso, maxaayeelay imisaa xaq lumay markii si xun wax loo sheegay ,imisaa baadil kor noqday markuu hogaanka uqabtay nin codkar ah hadana fasiix ah.
waxaa la gudboon dooduhu in uu doorto kalimaadka uu ku dhawaaqayo kuna daro in uu ilaaliyo duruufta iyo axwaasha uu ku jiro qofka uu la doodayo waxaayeelay booskadta hadalkiisa ayuu leeyahay marka dadka kula hadal qof waliba inta uu gaarsiisanyahay garaadkiisa

8- ixtiraam ra`yiga qofka kula doodayo : waa in aad ixtiraamto ra`yiga dadka kaa soo horjeedo si kasta ood ukala fogtihiin fikirka waxaana muhiim ah in aad raacdo qodobadan
- waa in uu fikirkaada ahaado muujinta xaqa iskana ilaaliso fikir casabiya ah oo xaqa kaa leexiyo
- hadaadan aqoonin waxa lagu weydiinaa haka xishoonin ma aqaani dheh
- hadii uu layimaado qofka kula doodayo waxaad aqnoonin umahad celi una qir aqoontiisa

W/D: Axmed Muxumed C’laahi (Bukhaari)

Email: [email protected]