Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Saaka oo Axad ah bisha Ramadaan ay tahay Todobo, ayaa anniga iyo koox wariyaal ah waxa an ka tagnay Guriga hooyooyinka ee degmadda Xamarwyene ee magaaladda muqdisho, annagoo u jeedkeenu ahaa in aan soo aragno goobihii shaley ay ka baxeen al-shabab magaaladda muqdisho.
Ugu horreen waxa aan tagnay suuqa ee bakaaraha ee magaaladda ee magaaladda muqdishoo oo ka mid ahaa meelihii dagaalladii ugu dambeeyay ay ku xirmeen, ka dib ayaan ka tagnay annagoo oo ay nala socdaan ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM Garoonka cayaaraha Muqdisho oo ka mid ahaa saldhigyadda ugu waaweynaa al-shabaab.
Stadio Muqdisho oo aan tago waxa ii uu dambeeyay 2008-da xiligii ciidamadda Ethiopian-ka ee ku soo faragaliyay soomaaliya ay baxeen ,
Garoonka oo ka koobnaa xarumo cayaaro ama barxdo waaweyn, maadama uu ahaa mid ka mid ah garoomadda ugu quruxda badan Africa hadda waa bur-bursan yahay, waxa sidoo kale isku gadaamaay geedka la dhaho Cali Garoob ama “Garan waa” ama Geed Yuhuud,
Garoonka oo irado badan lahaa oo laga galo ama laga baxo waxa aan kooxdeena wariyaasha aan waynay meel aan ka galo marka laga reebo qaybta lagu cayaaro kubadda cagta oo meel ay ku tabartaan u ahaa iyo meel ay ka duulaan al-shabaab.
Intaa aan joognay garoonka iyo meelaha ka agodhow oo uu ka mid yahay dhismaha sarta xisbiga Isbitaalkii Al-xayaat,Sarihii If Iyo Aqiro iyo masaajidkii Cali Kamiin ayaa waxa meelahaas ay noqotay meelo lama galeeyn ah dhir iyo howd ayaay noqotay, waxana aad u yar wax bini’aadin oo halkaas joogay maanta ka hor marka laga reebo dhoor qof oo guryo meesha kuyaala waardiyeeya.
Waxa kaloo intaa aan joognay Garoonka cayaaraha muqdisho aan maqleynay rasaas ka soo dhaceyso wada Toofiiq iyo Miisaanka dhuxusha.waxana halkaas ku sugnaa sidd naloo sheegay qaar ka mid Al-shabaab.
Meelaha qaar ee maanta aan tagnay waxa ku ARAGNAY qoosas ku soo laabtay kuwaas afar sano iyo wax badan ka maqnaa, dadkaa waxa ka mid ahaa hooyo Xaliimo Axmed oo noo sheegtay gurigeeda uu ku yiilay ifka xalane, laakin waxa ay sheegtay xilligaas ay ku nooleed guri kira degmadda waabari ee gobalka banaadir.
Si kastaba,waxa hadda goobihii ay ka baxeen shabaab hadda fadhiisin u tahay ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM, Ciidamadda AMISOM ayaa durba bilaabay in ay qoryaha waaweyn ay ku rakibtaan dhismaha garoonka.
Stadio Muqdisho ayaa hadda noqday hooy dagaal mana cadda sidda garoonkaas uu ugu soo laaban karo xaaladiisa waanaagsaneed.
Abaandulaha Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed General Cabdi kariin Yuusuf Dhaga badan ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan dagaaladda ay kula jiraan Al-Shabaab illaa laga bixinaayo Muqdisho.
-0025261-5517805