Shirkii Baarlamanka oo baaqday iyo Sharma’arke oo qarka u saaran in la rido.

Posted on Sep 18 2010 - 10:28am by News Desk
Tweet
Pin It

barlamaanBartamaha (Muqdisho):- Kulan maanta la filyay  in ay qaataan Baarlamanka ayaa baaqday ka dib markii Shirarka gaar gaarka ah ay kordheen.

Wararka saaka naga soo gaaray Hoolka shirarka Baarlamanka ee Guriga Umada ayaa sheegaya in xildhibaano badan loo diiday in ay galaan gudaha markii loo sheegay in shirkii Baarlamanka uu baaqday saaka.

Xildhibaanada oo aan wax xog ah ka hayn baaqashada ayaa waxaa u sheegay Ciidanka ilaalada aqalka Umada ee baarlamanka uu ku shiro waxaana la sheegay in ay ku war galiyeen la laabashada hoolka shirarka.

Waxaa aad magaalada looga hadal haayaa in la ridayo Xukumada Sharma’arke waxaana socanaya kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya iyo madaxda sare Ee dalka.

Dr.Sharma’arke ayaa haatan maciid bidaya xildhibaano kooban iyo gudoomiyaha oo feker ahaan u janjeera dhanka Ra’iisul Wasaaraha sida la hadal haayo iyadoo haatan la dareemayo xooga kulamada iyo diyaarinta qorshaha lagu doonayo ridada Xukumada.

Wixii warar ah ee soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]