Beelaha Biciidyahan iyo Reer Horogle oo qabtay Shir lagu Horomarinayo Deganada ay degaan iyo Nabadaynta

Posted on Dec 1 2010 - 10:02pm by Editor
Tweet
Pin It
DSC_0587Waxaa Gobolka Minnesota,Minneapolis lagu soo gabagabeyey shirkii sanad laha
ahaa ee Beelweynta Cali Ibrahim (Reer-biciidyahan iyo Beesha reer Horagle
Shirkaas oo dhacay Nov-26 Ilaa 27-2010 kana dhacay Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St.Paul,MN ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo quseeya balaha waxaana shirkaas ka soo qeyb galay wufuud kakala timid W/America iyo dalalka Yurub waxaana ka mid ahaa Madaxddii shirkaas ka soo qeybgala ka mid ahaa Drs.Canbaro Xaashi iyo Eng,Cabdillahi Cabdulqadir (fataxo)
Prof,Cabdirisaq janagale,Drs,Malyun Suldaan Cali Baale iyo Madax kale Islamarkaasna khadka Telconfereyska Caalamka oo dhan lagu jirey shirkaas oo ahaa kii 2aad oo ay yeeshaan Qurba joogta Cali Ibraahim iyo Reer horagle.

Shirkaas oo ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo is afgarad waxaana ka mid ahaa qodabaddii ka soo baxay shirkaas:-

1-In la ilaaliyo Mid Nimada iyo Jiritaanka Beelaha,Walalah ah.
2-in aan lagu Xadgudbin beelaha kale ee dariska Nala ah.
3-In si deg deg ah oo Shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalada ka socoda
G/Mudug isla markaasna Xabada lagu badalo wada hadal deg deg ah.

Waxaa kale oo qodobada ka soo baxay Shirweynahaas ka mid ah in deeganada beeshu dagto Sida G/Mudug iyo hawdland laga fuliyo Mashaaric Sida Cafimaadka,
Sidii loo horomarin lahaa wax barashada iyo caafimaadka si ay Bulsho Tayo leh u noqdaan.
DSC_0588DSC_0677DSC_0677
Sawirada ka Daawo halkan