Shir looga hadlayay sanadguuradii 50aad ee Xoriyadda Soomaaliya oo kusoo gabagaboobay The Hague, Holland (SAWIRO)

Posted on Sep 25 2010 - 1:38pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC_2381Goordhaw ayaa idin soo g

 

 

 

 

 

 

Dood furan oo ay ka qeybgaleen aqoonyahano soomaaliyed isla markaana dib loogu eegayay 50-kii sano ee soomaaliya madax banaanada haysatay waxyaabihii qabsoomay, qalalaadkii dhacay iyo waxaa ay hadda la tahay dadka soomaaliyed in ay ku dhaqaaqan ayaa ka dhacday Magaalada Den haag ee dalka Nederland.

Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Ururada ka shaqeeya arrimaha Bulshada oo ay ka mid yihiin DALMAR, HIRDA IYO KARTI isla markaana ay taageero ka heleyeen Hay’adda OXFAM NOVIB ayaa sidoo kale shirkan loogu magacdaray CONFERENCE “FREEDOM FROM FEAR”.

Aqoonyahandii ka qeyb qaatay shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacad ku taala Mareykanka, Agaasimaha Hay’adda CRD Jabriil Ibraahim C/lle, , Dr Ismaaciil C/llaahi,Sucaad Cabdi Faarax oo ka socotay Hay’adda HIRDA Muna Handule.

Waxyaabaha diirada lagu saaray shirkan ayaa waxa ka mid ahaa sidii loo badbaadin lahaa dalka soomaaliya oo 20 sano ugu dambeysay la degay dagaalo u dhaxeeya kooxaha siyaasada iyo urur diimeedyo kala duwan.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ku dheeraaday taariikhda dalka soomaaliya laga soo bilaabo xilligii gumeysiga, dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamadii uu hoggaamin jiray Sayid Maxamed C/lle Xasan iyo gumeystayaashii Ingiriiska, Talyaaniga, Xukuumadii C/llaahi Ciise madaxda u ahaa intii aan soomaaliya xoriyadda qaadan 1956 dii, Xukuumadihii Aadan C/lle Cusmaan Madaxweynaha ka ahaa, Ra’iisal Wasaarayaalna ay ka soo noqdeen C/rashiid Cali Sharma’arke, C/risaaq Xaaji Xuseen, Xukuumaddii C/rashiid iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Dowladdii militariga ee hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ilaa iyo Dowladahan KMG ah ee ugu dambeysa Shariif Sh Axmed.

Agaasimaha CRD Jabriil Ibraahim C/lle ayaa isna ka hadlay xaaladda soomaaliya wuxuu ku dheeraaday sida ku haboon ee loo badbaadin karo dadka soomaaliyed iyo dalka, wuxuuna sheegay in lagamaarmaan ay tahay in dadka aqoonta leh ka shaqeeyan horumarka dalka.

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha shirka oo su’aalo weydiiyay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayna ka mid ahayd su’aal ku saabsan sida la isku waafajin karo Dowlad ay ka dhex muuqdaan dhinacyada Siyaasadda iyo diinta ayaa kaga jawaabay in loo baahan yahay in la adeegsado maskax caafimaad qabta.

Balse intii uu shirka socday ayaa dad badan oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha shirkaasi waxay la yaabeen Luqada ay Somalida maanta shirkaasi isugu timid kuwada hadlayeen,waxaana shirka dadkii fadhiyey wada ahaayeen Somali, marka laga reebo laba qof oo dalka Holland u dhashay oo shirkaasi joogay,waxaana sheekada qeybta ugu daran timid kadib markii dadkii halkaasi wada fadhiyey diideen inay kuwada hadlaan Luqadii Hooyo ee Somaliya,taasi badalkeedana ay doorbideen inay kuwada hadlaan English,waxaase adag sida la isku qabadsiin karo in la yiraahdo Somali ayaa kawada hadlaya taariikhdooda hadana diidan inay luqadii Somaliga shirka looga wada hadlo,hadaba maxaa laga fili karaa waqtiyada soo socda Xaalka Somalida ay kasii min-guureyso luqadoodii hooyo???